DAAWO MUQAAL…Madaxweynaha Somaliya Oo Khudbad Ka Jeediyay Shir Lagaga Hadlayay Arrimaha Somaliya


Sep 25, 2014 New York(SM) – Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu qabtay shir gaar ah oo looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkaasi si wadajir ah u gudoominaayay madaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha Midowga Afrika iyo wakiillo ka kala socday Bankiga adduunka iyo wadamada daneeya Soomaaliya.
Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa ka hadlay wax qabadka iyo hiigsiga dowladda, isagoo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii horumarka.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ay ku guuleeysteen in maleeshiyaadka Shabaab 75% laga saaro gobolada bartamaha iyo kofurta dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ay ka socoto shirir dib u heshiisiin ah, isagoo hoosta ka xariiqay in sare loo qaaday hanaanka maaliyadda dalka. Salaanmedia/Hargaysa