Daawo Muuqaal “Nin Soomaali-American ah oo ku dhintay dagaalka Dalka Siiraty oo Qashinka ka Xaaqijira Diyaaradaha Dalka Maraykanka!!

Cabsi iyo wel wel baaxad weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday shacabka dalka Mareykanka ka dib markii ay soo shaac baxday in nin Soomaali-American ah oo dhawaantaan la sheegay inu ku geeriyooday dagaalka dalka Siiriya ka dib markii uu ku biirey jabhada ISIS uu horey uga shaqeyn jirey garoonka diyaaradaha ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka arintaas oo argagax ku noqtey qaar badan oo ka mid ah shacabka dalka Mareykanka oo aaminsan inuu ninkaas dhibaato baaxad weyn ka geysan karay halkaas. 

Ninkaan Soomaaliga ah oo heystay dhalashada dalkaas Mareykanka oo lagu magacaabi jirey Cabdirahmaan Muxamed oo 29 sano jir ahaa oo ahaana aabe 9 caruur ah dhalay islamrkaana la sheegay inuu dhawaanaan uu ku geeriyooday dagaalada ka socda dalkaas Siiriya ka dib markii uu ka bar bar dagaalamaayey Jabhada ISIS ayaa waxaa ay wararku sheegayaan inuu ninkaan intii uusan u ambabaxin inuu ku biiro jihaadka uu in mudo ah uu ka shaqeyn jirey garoonka diyaaradaha ee lagu magacaabo Minneapolis-St. Paul International Airport oo ku yaala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkas Mareykanka ninkaan ayaa waxaa uu ahaa nin nadiifiya diyaaradaha garoonkaas arintaas oo naxdin iyo walaac ku beertay qaar ka mid ah shacabka dalka Mareykanka kuwaas oo aaminsan inuu ninkaas qatar weyn gelin karay nolosha qaar badan oo ka mid ah shacabka dalkaas Mareykanka.



Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas Soomaaliga ah oo la sheegay inuu ku geeriyooday dagaalka jihaadka lagu sheegay ee dalkaas Siiriya ayaa arinta kale ee arintaas cirka ku sii shareertay waxay tahay ka dib markii jabhada ISIS ay dhawaantaan ay warbaahinta ay soo dhigtey hanjabaad ah inay gobol kasta, magaalo kasta, iyo wado walba iyo meel walba oo ka mid ah dalka Mareykanka ay ku sugan yihiin, FBI dalka Mareykanka ayaa waxay wadaan baaritaan ku saabsan arinta ninkaas Soomaaliga ah ee ka shaqeynaayey airopoorka magaalada Minneapolis iyo inay jirto cid kale oo laga yaabo inay ku fikrad tahay oo wali ka shaqeynayso goobo muhiim ah oo qatar gelin karo nolosha dadka iyo dalka Mareykanka.

Salaanmedia/Moqdisho