Daawo Muuqaal “Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada booliiska Ingiriiska oo digniin culus u direy Soomaalida ku nool dalkaas Ingiriiska

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada booliiska dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inuu digniin culus u direy Soomaalida ku nool dalkaas Ingiriiska ee gabadhahooda guda asagoona sheegay inay la kulmi doonaan ciqaab adag oo la marsiin doono cidii lagu helo arintaas.

 “Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada booliiska Ingiriiska oo digniin culus u direy Soomaalida ku nool dalkaas Ingiriiskaa tirsan ciidamada booliiska dalkaas Ingiriiska oo lagu magacaabo Keith A. Nivan ayaa markii ugu horeysay waxaa uu digniin culus u direy waalidiinta Soomaaliyeed ee gabdhahooda guda asagoo ku tilmaamay inay arintaas tahay dambi culus oo ayna la mid ah jirdil iyo dhibaateyn loo geystay gabdhaha lagu fuliyey gudniinka fircooniga ah, Sarkaalkaan oo dhawaantaan marti u ahaa barnaamijka Arimaha Bulshada ee ka baxa Telefishinka Universal Tv ayaa waxaa uu sheegay in gabdhaha la gudo ay yihiin mid la kulma oo loo geysto dhibaato jidhkooda ah maadaama qeyb ka mid ah jirkooda la jaraayo islamarkaana ay arintaasi u keeni karto inay ku yimaadaan cuduro ka dhasha dhaawacaas loo geystey, Sidoo kale ayuu sarkaalku waxaa uu sheegay inay gabdhaha la gudo ay arintaasi u keento dhaawac maskaxiyan ah maadaama arintaas loo geystay ay yihiin kuwo noloshooda oo dhan saameyn weyn ku leh.