(Daawo Muuqaal+Warbixin) Wiil(Inan) ka bar-bar dagaalamaayey Daacish kuna soo laabtay Jarmalka oo dhib weyn la kulmay, Yuu u Dhashay


Ciidamada Sirdoonka dalka Jarmalka oo mudo dheer daba socday Wiil sanad ka hor u kicitimay dalka Siiriya si uu ugu soo dagaalamo xoogaga Daacish ayaa iminka waxaa garoonka magaalada Frankfurt ku sugayay ciidamo Booliis ah oo ka war qabay soo laabashadiisa .

Wiilkaan oo 20 sano jir ah wuxuu u dhashay Jamhuuriyada Kosovo balse wuxuu heeystaa dhalashada dalka Jarmalka kaas oo iminka la soo taagay Maxkamad ku taala isla magaalada Frankfurt. Wiilkaan ayaa intii uu ku maqnaa dagaalada Siiriya gaar ahaan garabka maleeshiyaadka Daacish ee (IS) waxaa laga dhageysan jiray Telefoonada uu u soo diro gudaha dalka Jarmalka kaas oo sidoo kale lacag u aruurin jiray maleeshiyaadka dagaalada ka wada Ciraaq iyo Siiriya.

Salaanmedia/Moqdisho