Daawo Sawiro: Gabadh Soomaaliyeed oo Askariyad Ah oo dhaleeceyn kala kulanta Askarta Maraykanka iyo Soomaalidaba

imageKhadra Maxamed waa gabadh Soomaaliyeed oo dhawr iyo labaatan jir ah, waxa ay ka tirsan ciidanka Police-ka dalka Maraykanka, gaar ahaan magaalada ay ku badantahay Soomaalida ee St. Paul.
Soomaalida waxa ay kala kulantaa carrab dalab leh maadaamaa ay surwaal xidhato, halka ciidamada Police-ka ee ay ka tirsantahayna ay kala kulanto dhaleeceyn maadaamaa ay xidhato xijaab ama ay madaxa daboolato.

image
Balse Khadra waxa ay ku faraxsantahay shaqadeeda waxana wargeyska Los Angels Times ay u sheegtey in ay sharaf u tahay in ay bulshadeeda u shaqayso.
Waxa ay roondeeysaa wadooyinka halkaasi oo ay ka dilaaceen dhalinyaro Soomaali ah oo qas miidhan ah.

Salaanmedia/Mogdisho