Daawo Sawirada Kismaayo oo lagu soo bandhigay Waxyaabaha Qarxa iyo Biskoolado Howlgal lagu soo qabtay

Ciidamada Nabad Sugida Maamulka KMG ee Jubba ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waxa ay kusoo bandhigeen waxyaabaha qarxa iyo Biskoolado ay kusoo qabteen howlgalo ay Magaaladaasi ka sameeyeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada Nabad Sugida Maamulka KMG ee Jubba ayaa waxa ay sheegeen in Howlgalo balaaran ay Ciidamada Nabad Sugida ka sameeyeen qeybo kamid ah Magaalada Kismayao kusoo qabteen Bistoolado iyo Miinooyin la doonayay in lagu waxyeeleeyo Masuuliyiinta iyo bulshada Magaaladaasi ku dhaqan.


Afhayeenka ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba C/laahi Nasri oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Magaalada KIsmaayo ay ku guuleesteen in aysoo qabtaan Waxyaabaha qarxa iyo ragii watay ee donayay in ay ku aasaan Wadooyinka Magaalada Kismaayo.

Waxa uu intaa ku daray Afhayeenka in Bistooladaha iyo Miinooyinka ragii ay kusoo qateen ay ku xiran yihiin xabsiga ayna kusocdaan baaritaano dambiyada loo heesto la xariira, waxa uuna tilmaamay in sharciga la hor geyn doono dadkan lasoo xiray ee la tuhmayo in Al-Shabaab katirsan yihiin.

Magaalada Kismaayo ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca qaraxyo loo adeegsado miinooyin lagu aaso wadada hareeraheeda, Waxaana Ciidamada Maamulka KMG ee Jubba ay dadaal xoogan ugu jiraan xaqiijinta amaanka Magalaadaasi oo la filayo in dhawaan Shir Dib-uhesiisiin lagu qabto.

Salaanmedia/Moqdisho