Daawo Sawirada: Laba qarax oo ka dhacay Badhtamaha Magaalada Nairobi

image

Waa muuqaalo sawiraan ah oo muujinaaya laba qarax oo abaarihii Maqribimada ka dhacay Wadada caanka ah ee Thika, ee Bartamaha Magaalada Caasimada ah ee Nairobi.

Qaraxyadaan oo aan weli la kala cadayn in bambo gacmeyd loo adeegsaday iyo in kale, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu kala weeraray laba bas, oo ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee ka hawlgala Nairobi.

image

Ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay in ay dhinteen 3 ruux, halka dhaawacyaduna ay sii caga cageynayaan ilaa 60 kale, iyadoo 20 ka mid ah dadka dhaawacmay xaaladoodu lagu sheegay mid culus.

Ku Xigeenka Madaxa Booliska ee Magaalada Nairobi Moses Ombati, ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in dhimashadu ay sii caga cageyneyso 3 ruux, halka dadka dhaawacmayna ay tiradoodu kor u dhaafeyso 60 ruux.

Masuulkaan, ayaan kala cadayn noocyada loo adeegsaday labada qarax ee lagu weeraray basaska ka hawlgala Magaalada Nairobi, iyadoo qaraxyadu ay sameeyeen jug weyn.

Moses Ombati waxa uu ka gaabsaday in uu cid gaar ah ku eedeeyo labada qarax, marka laga reebo in ay weli soconayaan baaritaanada ku aadan cidii geysatay qaraxyadaasi.

Waxaan jirin cid weli sheegatay masuuliyada labada qarax ee basaska lala beegsaday, sidoo kalana Kenya waxay ka gaabsatay in ay cid ku riixdo.

Salaanmedia/Mogdisho