Daawo Sawirada Nin Midi ku hubeesnaa oo gudaha u galay Aqalka Cad ee Mareykanka khal-khal badana halkaasi ka abuuray

Nin la sheegay in asalkiisu yahay Ciraaqi kuna hubeesnaa Midi ayaa waxaa u suuragashay in uu si lama filaan ah gudaha ugu galo dhismaha looga arimiyo Mareykanka ee aqalka Cad kaas oo durbadiiba ay qabteen ciidamada ilaaliya aqalkaasi.

Ciidamada ayaa markii ay ninkan Midida ku hubeesnaa qabanayeen waxa ay adeegsanayeen eeyo iyo qoryaha diirada leh, waxaana wararku sheegayaan in kadib qabashadiisii qal qal xoogan laga dareemay dhismaha Aqalka Cad.

Warbaahinta Dalka Mareykanka ayaa baahiyay Markii uu shilkaani dhacayay in ay ka maqnaa aqalka cad ka maqnaayeen Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama iyo Qoyskiisa.

Wali waxaa laga shakisanyahay in ay jiraan rag kale oo doonaya in ay u dusaan aqalka cad inkasta oo amaanka aad loo adkeeyay, waxaana Ciidamada wadaan baaritaano ku aadan ninkan aqalka cad soo galay iyo xubno kale oo latuhmayo.

Salaanmedia/Moqdisho