Daawo Sawirada Qarax Maanta Kismaayo lagula eegtay Ciidamada AMISOM iyo Qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta magaaladaasi uu ka dhacay qarax sababay qasaaro soo gaaray dad rayid ah.

Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamo katirsan AMISOM oo marayay Dalcada Xaafada Via Afmadow ee Magaalada Kismaayo , waxaana qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan.


Ku dhawaad 6qof oo rayid ah ayaa dhaawacyo kala duwan waxa uu kasoo gaaray qaraxa Ciidamada AMISOM lala eegtay iyo rasaasta ay fureen Ciidamadaasi , lamana oga in qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay Ciidamada AMISOM iyo in kale.

Sargaal katirsan Laamaha amaanka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM uu qasaaro kasoo garay kaliya dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Magaalada Kismaayo waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo loo adeegsado Miinooyinka dhulka lagu aaso kuwaa oo lala eegta Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka KMG ee Jubba ee mara Wadooyinka Kismaayo.

Salaanmedia/Moqdisho