Daawo Sawiro..Todobo qof ayaa lagu xukumay dil, dalka Afghanistan, kaddib markii ay ka qeyb qaateen kufsi aad u xun.

Todobo qof ayaa lagu xukumay dil, dalka Afghanistan, kaddib markii ay ka qeyb qaateen kufsi aad u xun.

Kufsiga oo loo gesytay dumar ka soo noqday xaflad aroos bishii hore, ayaa dhaliyay dibad bax dadweyne iyo dalabaad kala duwan oo ahaa in la dilo ragga.

Ragga la xukumay ayaa la filayaa inay racfaan ka qaataan go’aanka maxkamadda, balse madaxweyne Xamid Karzay ayaa sheegaya in inuu saxiixayo xukunkan dilka ah.

Xittaa iyadoo dalka ay ka dhacayaan rabshado, hadana kufsiga koox dumar ah oo mid ka mid ah ay uur lahayd, kuwaas oo ka soo noqday xaflad aroos, waxay sababtay kacdoon ballaaran.

Meeshu uu weerark ka dhacay oo ah Paghman, oo galbeedka kaga beegan magaalada Kabul, ayaa dibad baxayaasha waxay ku qeylinayeen hal erey oo ah “edam” oo micneheedu yahay hala daldalo.
kooxdan ayaa lagu xukumay daldalaad

Kooxda dumar ka ah ayaa xilli habeen ah waxaa joojiyay rag xirnaa dharka booliska. Haweenkaasi ayaa la dhacay lana kufsaday iyadoo qoryo lagu qabtay raggii eheladooda ahaa ee la socday.

Todobada ragga ah ayaa lagu xiray Ghazni, oo ah koofurta Kabul. Booliska magaalada Kabul ayaa bandhigay sawiro muujinayay haweenka Burqas oo cadeynaya ragga dhibka u geystay.

Markii ragga ay hortageen maxkamadda, xeer ilaaliyaha waxa uu shaaca ka qaaday in mid ka mid ah horey loogu xiray kiis kufsi. Dhammaan todobada waxaa lagu xukumay daldalaad.

Qiyaastii 400 oo qof oo lagu xukumay dil ayaa ku xiran xabsiyada dalka Afghanistan, balse madaxweyne Karzay ayaan dooneynin inuu saxiixo amarka ugu dambeeyo ee dhammaan dadkaasi lagu daldalayo.

Balse, kiiskan ayaa wajahaya olole ay dadka sameynayaan, wuxuuna sheegay inuu saxiixo doono daldalaadda raggan kufsiga loo haysto, isla marka uu dhammaado hannaanka maxkamadda.

Xigasho BBC