Daawo Sawiro…Xaflad balaadhan oo Xisbiga Waddani Bristol ku soo Dhaweeyey Haldoorka Golabada Hawad , Awdal iyo Salal oo Si mug leh ugu soo biiray Xisbiga Waddani.

Daawo Sawiro…Xaflad balaadhan oo Xisbiga Waddani Bristol ku soo Dhaweeyey Haldoorka Golabada Hawad , Awdal iyo Salal oo Si mug leh ugu soo biiray Xisbiga Waddani.

IMG_4663

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa Xalayto habeen Sabtiya tariikhduna ahayd 13.3.14 ka dhacday Magaalada Bristol, UK, Xaflad aad u balaadhan oo Xisbiga Waddani laantiisa Bristol, UK ay ku soo dhaweysay taageerayaashii ugu badanaa ee Xisbiga Kulmiye oo ka soo jeeday gobolada Hawd, Awdal iyo Salal oo si mug iyo miisaan leh ugu soo biiray Xisbiga Waddani Bristol, Uk.

IMG_4658

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Goobta xaflada ayaa ahayd goob bilicsan, waxaana ka qeyb galay aqoonyahano, waayeel, dumar,fanaaniin iyo madaxda Xisbiga Waddani ee Bristol iyo Uk.

IMG_4586

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa jawiga xaflada si qurux badan u daadihinayay Mahad Abdullahi bare, Waxaana Aayado Quraan ah furitaanka xaflada ka dib hadalo soo dhaweyn ah iyo mahad naqba ah goobta ka jeediyey odayga xisbiga Waddani laantiisa Bristol Hasan Harruun iyo guddoomiyaha xisbiga waddani Bristol, Mustafe Ahmed cige, waxayna bogaadiyeen tageerayaasha cusub ee ku soo biiray xisbiga waddani Bristol iyaga oo sheegay in xisbiga u yahay xisbigoodii ayna gacamo furan iyo qalbi niyadsan ku soo dhaweyenayaan.

IMG_4691

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale, waxa ka hadlay madasha Abdi Diiriye, gudoomiyhii hore Xaqsoor ee Bristol oo hogaaminayay Tageerayaasha cusub ee ku soo biiray ee Xisbiga wadani ee gobolada Hawad, Awdal iyo Salal oo sheegay in ay maanta laga bilaabo ay hiil iyo hooba ay garab is taagi doonan Xisbiga Wadani halganka ugu jiro in dalkan iyo bulshada Somaliland loo badbaadin lahaa.

IMG_4624

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa goobta ka hadlay Mahmed Saleeban weyne, Wasiirkii hore ee warshadaha , iyo guddoomiyaha xisbiga Wadani ee UK Xuseen Aden Cade, oo ku dheeraday waxqabadka Xisbiga waddani iyo sida loogu baahan yahay in muruq iyo maskaxba la is garab taago xisbiga waddani si dalkeena horumar loo gaadhsiin lahaa, waxayna carabka ku dhufteen sida Xisbiga Kulmiye iyo Xukumada Silaanyo ay ugu fashilantay wixii ay bulshada Somaliland u balanqaadeen.(Lasoco Muqaal)

IMG_4569

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa isla goobta ka hadlay Eng. Ilyaas Muhmed Jama ( Kenyati) oo ka mid ahaa dhalinayradii aadka u fir-fircoonaa ee Xisbiga UCID aadna ugala shaqeeyey hawlaha xisbiga ee Gudo iyo dibadba waxa uuna Eng Ilyaas Muhmed Jama ( Kenyati) madasha kusoo bandhigay in uu u sharaxan yahay jagada Barlamaanka ee Sanadka soo socda  gobolka maroodijeex aadna waa loogu sacabiyey,waxaa uuna ka sharaxan yahay xisbiga Waddani. Guddoomiye xigeenka Waddani Uk kenadiid abdikarin Jama iyaga oo labadooduba ku dhawaaqeen in ay yihiin musharixiinta Xisbiga Wadani doorashada Golaha Wakiilada 2015 Inshaa allah. Caasha Xuseen Maraykan oo ah asaasayaasha Xisbiga ahna xubin golaha dhexe ee xisbiga ah,Cabdale Saleebaan Cabdale. Waxa kale oo hadalo qiimo badan kasoo jeediyey dad fara badan oo ah madaxda iyo tageerayaasha Xisbiga Waddani gudo iyo dibadba.

IMG_4582

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu danbeyntii, Waxa Xaflada soo afmeeray oo hadalo gubaabo ah ka jeediyey Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Wadani Mahmuud Raage, Waxaana u warbixin guud ka bixiyey Xaalada u dalka u ku sugan oo u dhawaan ka soo laabtay iyo xisbiga wadani intba, waxaana u bulshada Somaliland uga digay diwaangelinta madaniga ah ee xukumada silaanyo ku carqaladaynayso doorashooyinka la filayo in ay sanadka danbe ay ka qabsooman dalka.

Waddani Media

Bristol UK

IMG_4730 IMG_4728 IMG_4727 IMG_4725 IMG_4723 IMG_4722
IMG_4720
IMG_4716
IMG_4708
IMG_4701 IMG_4700 IMG_4698 IMG_4692 IMG_4691 IMG_4688 IMG_4685 IMG_4680 IMG_4672

IMG_4657
IMG_4656 IMG_4653 IMG_4648 IMG_4645 IMG_4639 IMG_4635 IMG_4631 IMG_4624 IMG_4616 IMG_4615 IMG_4614 IMG_4613 IMG_4601 IMG_4583 IMG_4582 IMG_4574 IMG_4572 IMG_4569 IMG_4568 IMG_4567 IMG_4731 IMG_4735 IMG_4741 IMG_4742 IMG_4746