Daawo Video: Gabadh Wariye ah oo si Toosa (live) ah u sheegtay inay shaqada ka tagay caayna u ku macasalaameysay maamulka Tv-gaasi

Charlo Greene oo ah Gabadh Wariye ah oo ka shaqayn jirtay Talafishin ka howl galla Gobolka Alaska ee dalka Mareykanka ayaa ku dhaqaaqday fal la yaab leh oo ka fog Anshaxa saxaafada Aduunka.

Gabadhaan ayaa si toos Talafishinka ugu sheegtay inay shaqada ka tagtay ayna door bideyso inay sharci ka dhigto Maandooriyaha Murjuwaanaha loo yaqaano.

Gabadhaan ayaa sheegtay in Ciidamada Booliska ee gobolkaasi ay weerareen xarun lagu iibiyo Murjuwana oo ay ayadu leedahay sidaa daraadeedna ay u dagaalamayso sharciyeenta Murjuwaanaha.

Xarunta la weeraray oo lagu magacaabo Cannibis Club ayaa lagu iibin jiray nuucyada Daroogada.
Halkaan hoose ka daawo sida ay u dhaqantay Gabadhaani.