DALXIIS TAG OO ISA SOO DIL??? by Cali Maxamed Biixi

MAQAAL

Waxaad xiliyadan danbe maqlaysaa  , hebel wuu dalxiis tegeyaa , oo tigidh(ticket) (go) tegitaan keliya ayuu soo goostay oo aan dib loo soo noqonay (hebel dib u soo noqon maayo ) , qofkuu markuu dhoofaayona wuxuu soo goosan jiray tigidh tegitaan iyo ku soo noqosho , uu ku soo noqonaayo meesha uu degen yahay , hadaba iminka waxaa soo baxday hebel tigidhbuu soo goostay 9TIGIDH DELDELAAD AH ) ama (HEBEL WUU ISA SOO DILAYAA ) ama HEBEL WUXUU U DHOOFAY INUU CID SOO LAAYO ) ama  HEBEL WUXUU U DHOOFAY INUU CID SOO GAWRACO ) ama (HEBEL WUXUU U DHOOFAY INUU ISA SOO QARXIYO )

Hebel tigidh ONE WAY ah buu soo goostay oo ma soo noqonaayo .
Hadaba biryahan danbe waxaa bulshada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ku soo batay , in la waayo dhalinyaro fara badan oo ay ku biiraan jabhadaha xagjirada ah ee ka dagaalama bariga dhexe , sababka ku kalifaysana ilaa iminka waa la garan la’ yahay ?
Dhinaca kalena ee somalilamd ama somaliyana waxaa ku batay dhalinyarada iyaguna soo tahriibaayaa ee badaha ku dhamaaday ee u soo socda dalalkan reer galbeedka ah , ee kuwii ku noolaa ay ka dhoofayaan ee isa soo dilayaan iyaguna .
Hadaba xaggay wax ka khaldan yihiin ?
Kuwii yurub joogayna waaxa loo taagu taag  la’ yahay inay joogaan oo noolaadaan ?
Kuwii dalkii ku noolaana waxa loogu taag la’yahay waar jooga dalkiina oo ku noo laada oo haysmiidaaminina ? 
Hadaba majarihii iyo wadadii doosnayd ayaa dhalinyaradii soomaaliyeed ka lumay ?
Yaase ka mas’uul ah ?
Yaa dhalinyarada soomaaliyeed maskaxdii ka xaday ?
Yaa wax ku shubla ? waa ayaan darro dhinac walba ka haysata ummaddii soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba ?
waa maxay waxanu ? xaggay wax ka khaldan yihiin ? xaggay se waxanu ka socdaan ?
Hogaamiyayaasha soomaaliyeed iyo aqoon yahanada iyo culimaba 
waa inay arimahan baadhitaan cilmiyeed ku sameeyaan oo joojiyaan is dilka iyo xasuuqa , dhalinyaradii soomaaliyeed naftooda u gaysanayaan ?
Ummadda soomaaliyeed go#lan baa ku soo socda haddii ay waydo meel u faya qabtoba .
Hadaba mustaqbalka ummadda soomaaliyeed xagguu ku danbayn doonaa ?
Kuwii yurub joogayna waar noolaada ayaa loogu taag la’yahay , oo haysa soo dilina , oo haysa soo qarxina ?
Hadaba xal deg deg ah , ayay dhalinyaradii soomaaliyeed u baahan tahay ?
Waana musiiba qaran GUDE iyo DEBEDBA .
ALLAW SAHAL AMUURAHA 
cali maxamed biixiÂ