Dhalin yarada reer Somaliland ee shirka Cadaadlay u balantay waa daad soo rogmaday oon cidi is hor taagi karayn: Mar uun buu daboolka iska rogi, doob la quudh-sada​ye, by Abdi Mustafe

MAQAAL
Dhalin yarada reer Somaliland ee shirka Cadaadlay u balantay waa daad soo rogmaday oon cidi is hor taagi karayn: Mar uun buu daboolka iska rogi, doob la quudh-sada​ye, by Abdi Mustafe
Mar uun buu daboolka iska rogi, doob la quudh-sadaye,
Mar uun bay daruur caafimaad, dooxa soo rogiye,
Mar uun buu digi-gixan, raggii daala-naan jiraye,
Dib-jirkiyo mar ba reer miyigu, daasadaa qubiye
 
Waxaan hambalyey nayaa dhalin yarada is abaa-bushay ee u balansan in ay shir ku qabsadaan magaalada Cadaadlay. Xaq baa u leediin oo waxaa ka damqateen dowlad xumida aan xil iska saarin kumanaanka jaamacadaha ka soo baxa een wax shaqo abuuris ah loo sameyn. Waxaa ka damqateen xukuumad hantidii dalka boobtay, oo dadkii qabyaalad dhex dhigtay, oo eex mooyee aan qofna wuxuu xaq u leeyey aannu si xaqa ku helin. Sax baa ku tihiin alfa mara in aa shirtaan oo weliba qaraarada shirkiina ka soo baxa hadii dowladu dhoqso wax uuga qaban weydo aa xukuumada jilbaha u dhigtaan oo gil-gishaan ilaa inta aa kaga tuureysaan. Xukuumadani cidna mey xurmeyn meyd dhintayna ku dheh oo. Waxa wax aad loola yaabo ah xukuumada is hortaagtay in baroor diiq loo sameeyo saraakiishii lagu dilay Qorilugud ee weliba sida khafiifka ah markiiba u aastay labadii sarkaal ilaa iminkana aan soo qaban cidii falkaa geysatay. Dhalin yaradu waa rajada qudha ee badbaadinta Somaliland.  yar iyo weyn ba dhalin yarada waa la isku bar-bar taagayaa haday dhaqaaqaan oo sida daadka soo rogmadaan oo dowlada ka diidaan nidaamkan Xamar inagu wada. Sida iminka dowladu ku socoto waakaa madaxweynihii Xamar ku doodaya Somaliland waxay ka mid taha Somaliland een Silaanyo awood uu uugu jawaabo aannu lahayn. Wax isku duuban dhalinyarada ayaa jirta xalka dalkana iyagaa laga sugayaa. Sida maanta Somaliland tahay waxa dhaantay xukuumadii kacaankii. Dowladani waxay quwadeeda isugu geysay sidii ay hantida dalka u booni lahaayeen. Dabeed markii maamulki buray waxa dhacday in dab Silaanyo meel walba kaga baxayo oo uu qiiro qiiro ku jiro ee isa sii kaba raaciya intaan Xamar la inugu darin. Odayada iyo wasiiradu dantooda ayay eegaan oo dalku halka uu marayo kama war hayaan.