Dhalinyarada Beesha Muuse Cabdalle Oo Kalsoonidii Kala Noqday Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil

unnamed

Hargeysa-(SM):-Dhalinyarada Beesha Muuse Cabdalle (Habar Yoonis) ayaa waxay kalsoonidii kala noqdeen Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Saaxil Mudane:Khadar Cali Cilmi

Shir ay ay ku yeesheen Hotel KAAH  ee Magaalada Hargeysa ayaa waxay dhalinyarada Beesha Muuse Cabdalle ku shaaciyeen inay kalsoonidii kala noqdeen Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi, iyagoo ku eedeeyay inuu ka hor yimid danaha Guud ee Beesha, islamarkaana ku kacay waxyaabo lidi ku ah Beesha uu ka soo jeedo, sidaasi daraadeed  wixii imika ka dambeeya aanu Matali Karin Beesha.

Dhalinyarada shirkan qabatay ayaa waxay tilmaameen in  uu Gudoomiye ku-xigeenka gobolka saaxil afartii sano ee uu xilka haya  aanu jirin waxa horumarin ah oo uu ka qabtay degaanada uu ka soo jeedo ee hoos taga gobolka saaxil isla markaan aya ku tilmaameen mid fadhiga lacagata ku qaata oo aan metelin cidna, Madaxweynaha Somaliland waxa aanu ka Codsanayaan inuu Xilka ka Qaado islamarkaana uu ku soo badalo Siyaasiyiinta Matasha Beesha Muuse Cabdalle.

Dhinaca Kale Dhalinyarada Beesha Muuse Cabdalle ayaa si weyn u soo dhaweeyay Shirka ay dhawaan Beeshu yeelan doonto Maalinta Salaasada Ee Tobanka  Bishan, kaas oo lagaga hadlayo Danaha Beesha.

Salaamedia/Berbera