Dhalinyaro Ka Soo Jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland Ee Minneapolis Oo Taageeradooda Ku Biiriyay Xisbiga WADDANI (SAWIRRO)


image

Sep 7, 2014 Minneapolis(SM) – Shir aad u blaadhan oo ay isugu yimaadeen taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga qaran ee waddani ayaa lagu qabtey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.waxa goobtaas taageeradooda ku muujiyey ururka dhalinyarada israac ee ka soo jeeda gobolada Awdal, Gebilay iyo Salal. Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada israac Bashir Muse iyo xubno ka tirsan ururkaas oo halkaas ka hadlay ayaa sheegtey in sababaha ugu weyn ee ay u taageereen xisbiga waddani ay tahey in xisbiga Waddani uu yahey xisbiga kaliya ee ay filayaan inuu keeno cadaalad, sinaan iyo saami qeybsi daacad ah. Isla markaana ay hiil iyo hooba ula diyaar yihiin. Sida ay sheegeen dhalinyarta ururka israac waxay go’aanka gaadheen ka dib dood mudo laba bilood ah u socotey iyaga iyo gudoomiyaha xisbiga waddani ee minnesota, isla mar ahaantaana ku qanceen himilida xisbiga waddani.

waxa kale oo halkaas ka hadley muwaadiniin hore uga tirsanaan jirey xisbiga kulmiye, hase ahaatee markii ay dhawaan wadankii booqasho ku tageen ee ay arkeen heerka foosha xun ee wadanku maanta marayo iyo sida xukuumada wadanka ka talisaa ay u la dhaqmeyso muwaadiniinta somalilaand kala noqdey taageeradoodii xisbiga kulmiye iyo maamulka hada jooga una diga rogteey xisbiga waddani taageero buuxdana u fidiyey.
waxa kaloo halkaas ka hadley xubno aan markii hore xisbi ka tirsaneyn kana qeyb gali jirey shirarka ay qabsadaan xisbiyada kale ee qaranka somaliland, waxay xubnahaasi xaqiijiyeen markii ay is barbar dhig ku sameeyeen xisbiyada qaranka ee maanta jira in xisbiga waddani aad uga duwanyahey ay cadaheyna in xisbiga waddani yahey xisbiga qudha ee ka kooban dhamaan umada reer somaliland markii ay arkeen taageerayaasha xisbiga ee kazoo qayb galay shirkaas kana markhaati kacey in xisbiga waddani yahey mid cadaalad soo celinkara.
waxa kaloo halkaa ka hadashey Marwo Aamina oo ah aqoonyahanad ka mid ah jaaliyada reer somaliland ee Minnesota, iyada oo ku boorisey haweenka somaliland iney ka qeybqaataan dhismaha xisbiga una sheegtey haweenkii madasha ka soo qey galey iney dhamaatey wakhtigii haweenku xaga danbe ay fadhiisanayeen ee ay hormood ka noqdaan dhamaan dhaqdhaqaaqyada dhismaha xisbiga waddani.
waxa ugu danbeyntii halkaas ka hadley Gudoomiyaha xisbiaga waddani ee laanta gobolka minnesota Eng. Abdirahmaan Dahir Adam, oo aad ugu mahad celiyey dhamaan dhalinyaradii ku soo biirtey xisbiga iyo caqliga caafimaadka qaba ee ay kusoo kordhiyeen xisbiga waddani. Waxa kaloo gudoomiyihu aad ugu dhiiri galiyey dhamaan muwaadiniinta reer somaliland ee jecel wadankooda in ay hiil iyo hooba la garab istaagaan xisbiga waddani si loo gaadho horumar, cadaalad iyo sinaanta oo baahi weyn ay u qabaan dhamaan deeganada Somaliland ayna tahay masuuliyad saaran shakhsi kasta oo muwaadin ah.

Xarunta Xisbiga Waddani ee Minnesota USA
Waddani.mn@gmail.com

1 2 3 4