DHUXUL HADDAY EDAAB XUMADU LA GASHAY INUU XILDHIBAANNO QARAN AFLAGAADDEEYO. HA OGAADO INUU SIIRAANYO USHAQEEYO OO…..

DHUXUL HADDAY EDAAB XUMADU LA GASHAY INUU XILDHIBAANNO QARAN AFLAGAADDEEYO. HA OGAADO INUU SIIRAANYO USHAQEEYO OO…..

AFHAYEENKA-MADAXTOOYADA-SOMALILAND-DHUXULWaa ayaan darro inankan siiraanyo islaamuhu u keeneen, inuu waxwalba sida baqasha iska dhexfadhiisto. Miyaanu ogayn inaanu awood u lahayn inuu cid ama sharci wax yidhaahdo. Miyaanu aqoon afhayeen madaxweyne inuu yahay badhiwale fariimaha madaxweynaha dadka gaadhsiiya, oon isagu jeebkiisa erayo kala soo bixi karin, ee uu ku koobnaado waxa lasoo faro, oo qudha. Miyaanu ogayn in awooddiisu ku simantahay, inuu dirane edaab qaba noqdo, oo aanu xaq u lahayn inuu isasoo been fariimo, oo dhexda war aan lasoo farin uusan fidin karin.

 

Siiraanyo kolba kuwa reerkooda wax tari waaya ayay islaani soo kaxaysaa, oo ku tidhaa inankan ku shaqayso, oo ha iska kaa agjoogjoogo, ummaddii garaad uu kuraaco malaha eh. Malaha dhuxul waxaanu garanaynin miisaankiisa, oo waxuuba u haystaa inuu sida madaxweyne u hadlo, oo waxuu iskii u hindiso uu sheego.

Sharciga haddaad garanwaydo, oo ku ekaan waydo fariimaha madaxweynaha ku keensaday meesha, ee warkiisa ku yidhaa sidaa dadka iga gaadhsii, inaad noqon doonto doqontii reerka la dhex keenay, ee alxamdulillaahi odhan wayday, ee bilawday inay dhuuso shirarka la dhex timaaddo.

 

Dhuxul hadduu maanta isyidhi janadii ayaad cagaha gelisay, waad male xuntay, oo waxaanad ogayn shaqada aad ku maqacaaban tahay meeqaankeeda. Waxaadse ciin daaqday markaad aflagaaddo ula tagto xildhibaanno qaran oo ummaddu soo dooratay, edaabta kugu yar awgeedna waa waxa aad siiraanyo madaarka uga tukhaantukhinaysay, isagoo shacabkii halkaa ku sugnaa, iyo warbaahintuba ay hadal ka filayeen.

 

Malaha meelo kale ayaa lagaa maamulaa, oo siiraanyo ka durugsane, ma waxaad ka cadhootay, labadii sarkaal ee la dilay, ee xukuumadda lagu cambaareeyay. Miyaanad ogayn inaan cidi ka hadhi doonin, illaa la helo ciddda ka dambaysay, iyo intii dilkaa qorshaysan soo maleegtayba. Miyaanad ogayn in tacsi ummadda reer somaliland oo dhami u direen eheladii iyo qarankii ay ka baxeen labada sarkaal.

 

Haddaanay labada sarkaal qiime kula lahayn, oo ay kaaga roontahay gunno yar oo madaxtooyada lagugu siiyo, waxaa kula qummanayd inaadan dibadda isasoo dhigin, oo aadan ku andacoon maxaa labada sarkaal dilkooda cidi uga hadashay.

Xildhibaan Siciid Cilmi waa ruux qiime iyo caqliba adiga kaa roon, nooca aad tahayna fili maayo inuu qiime la gudboonyahay, waxaad ahayd, kuwa habraha abbaansada, ee marka meel rag joogo lagu kari waayo, ay islaani u baryi jirtay in ragga lagugu daro. Haddaad faro is taawishay, waxaad soo waraysataa duqdii odayga kuu keentay, ee shaqada ku qortay intaadan xildhibaano qaran, oo ummadda tusay inay wax ugu filan yihiin.

 

Waa ayaan darro adiga oo sida adoonta in la dhargiyo ay ku fillaato. Inaad wax aan waajibkaaga ahayn iyo waxaan kuu bannaanaynba aad warbaahinta kula dhex kufto, oo sida ragga aad war iska baadho, iyo fikir aad cid kula daalaa dhacdo.

Waa ayaan darro adiga dhuxula oo ummaddu kaa dharagsantay, inaad caqliga caloosha ku leedahay, oo meel cidi kuu kaxaysato mooyee aadan weliga sida ruux masuul ah meel iska soo saarin. Waynu ogayn in rag kugu shaqaysan jiray, oo laguu diran jiray inaad soo dhagaysato waxa dadku kulmiye ka sheegayaan, waynu ogayn, inaan weligaa meel intaad tagtay, aan la isu kaa sarataagin, oo islaamuhu ku odhan jireen waa kii dhuxul oo soo gaajoodaye waxuu cuno siiya.

 

Dhuxulow haddaad qaranka la jaanqaadi lahayd waxaad noqon lahayn mid ummadda raaca, waxaad noqon lahayn mid waxa san iyo xumaantada kala yaqaanna. Waxaad noqon lahayd bani aadam wax u eg.

Haddase saraakiisha la laayay ayuuXildhibaan Siciid Cilmi ka hadlay, haddaad ku tawaawacday. Saraakiishu ehel ayay leeyihiin,  dhibta loo gaystay, weliba af lagaaddo iyo ilaaq qofka u raaciya, iyana saamixi maayaan, qarankuna saamixi maayo, adiguna nin xun afkiisa ayaa dayriya, waxaan ku odhan lahaa didibso, dhagar iyo rag la iska laayay ayay taagan tahay, haddaad ciyaar adigu u haysato, waa arrin kollayba kuu yaalla, manaaha mid aad mahadin doonto, waana arrin adiiga ku sugaysa.

 

Siiraanyo hadduu dhibsaday warka xildhibaan Siciid Cilmi, somaliland oo dhan ayaa arrintan ka siman, Siiraanyona isaga ayaa u adeer ah gacankudhiigalaha falka gaystay, cidda kula jirtaana maaha cid ka foq ee waa in uun cid walba uga dhaw. Hadduu maaro u waayay, inuu adiga ku yidhaa Xildhibaan Siciid Cilmi ayaa warka balballaadhinaya, oon meel aan ka galo la’ahay, waa u talo xumo, ee intuu ummadda usoo baxo, oo baadho, si fiican, muxuu uga wardooni waayay, inutuu sida masacagalayda isku soo xidhayo madaxtooyada, ee aanu xataa eray ka hadlaaya dilkaa foosha xun ummadda u sheegin.

 

Dhagar dad galay haddaad jeclaysatay inaad lugta sudhato, waa loo baahan yahay cid uun sheegata aanadeeda ee iska kaalay, waana war lagaa qori doono, adigaana maalin aan maanta ahayn ka jawaabi doona.

Waxay soomaalidu tidhaa doqontu xadhkaha lagu xidhayo ayay suxulka kusoo qaadataa.

Adna maanta tii ayaad ka dhigantay, Shacbigii tacsidu u taallay ee Gebilay lagu laayay, maxay geerida saraakiishu idiin damaqday, waa la ogaa warkaad suuqyada ka fidinaysay, iyo caamadu waxba may mudaharaadeene dadbaa kiciyay, iyo wixii deelqaaf aad afkaaga ka lahayd.

 

Wax badan ayaa laguu raacayaa, adiga ayay ku jirtaa sidaad isaga duwi lahayd, inta aad caloshaada u meel dayayso.

Qarankana dad ayaa ka masuul ah, haddaad ku ekaan waydo, inaad eray lagu soo faro, sheegto, oo keento inaad khushigaa hadasho, dembi ayaada keensanaysaa, berri in lagu eryaana u dhaw, ee ruux shacbigu doortay, sida madaxweynaha aad u shaqayso, afkaaga dhuunta ka horreeya ha la aadin.

Siiraany xildhibaan qaran ma eryo, ee adiga ayuu awood u leeyahay inuu ku eryo.

 

Eng. Youssuf Ahmed

Jicsin@hotmail.com

London  U.  K.