(DHUXULOW SAXAAFADU MA GAYSO QALAFSANAAN. SAXAFIGU WAA AFHAYEENKA BERI)

(DHUXULOW SAXAAFADU MA GAYSO QALAFSANAAN.
SAXAFIGU WAA AFHAYEENKA BERI
)

maqaal
sidaynu ogsoonahay dalkan jamhuuriyada somaliland waxuu leeyahay saxaafad aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba u dhisan tageertana horumarka dalka kasocdo una iftiimaya dowlada daldaloolooyinka jira, waxaanan u arkaa inay saxaafadu tahay mawaadinka dhabta ah ee dalkan difaaca.

hadaynu intaa ka gudubno xukuumada uu hogaaminayo axmed maxamed maxamuud silaanyo intaysan ku guulaysan talada dalka waxa garab taagna waxay ahayd saxaafada madaxa banaan oo ahayd tan kaliya ee dalkan iyo dadkaba usoo bandhigto barnaamijka saxda ee uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo.
hadaba waxaynu tv yada ka aragnaa ama website yadaba afhayeenka madaxtooyada oo si kulul u eegaya saxaafadi uu shalay ka tirsanaa isagoo ilaaway shalay saxafi nimadiisa.

waxaan malin dhawayd ka daawaday website yada mar madaxwaynaha iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ay qaadanayeen cardka mawaadinka kuna sugnaayeen hay’ada shaqaalaha, ayaa saxaafada waxay la kulmeen afhayeenka madaxwaynaha dhuxul iyagoo waydiiyay dhuxul su’aalo kusaabsan shaqadiisa, waxuuna ugu jawaabay si cadho leh aad moodo hadii hadalka lagu sii celceliyo inuu udeegsan karo awoodihiisa gaarkaa.

anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxaan kula dardaarmayaa afhayeenka madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland inuu ahaado mid si diblumaasiyadaysan kula dhaqmo saxaafada madaxa banaan kuwasoo noqona doona afhayeenada beri,  iskuna day inaad dib u xasuusato saxafi nimadaadii shalay iyo marxaladahays kula so martay haday tahay horyaal iyo barnaajimyadii ka socon jiray.

future president 
awaadan55@hotmail.com
hadaad siyaasi tahay oo waliba aad tahay afhayeenka madaxwaynaha noqo mid la saaxiba saxaafada madaxa banaan sida wasiir cukuse.