Diwaan gelinta Madaniga ah Waa shirqool ay Xukumada Silaanyo ku minjoxaabinayso Doorashooyinka Somaliland.

maqaal

Somalida tidhaa Sacabka maxaa loo tumaa habeenkii haddii aanay xeelad ku jirin , Waa arrin yaab leh madaxtooyo xilkeediiba dhamaad ku dhow yahay oo doorashadiiba kaabiga u saaran yahay oo fadhiday afar sano iyo badh in ay tidhaahdo maanta oo doorashooyinkiiba bilo ka hadhsan yihiin diwaangelin madani ah ayaan qabanaya..!!, shalay maxay u qaban waayeen diwaan gelinta madaniga ah haddii ay daacad yihiin ?.

Diwaangelinta madaniga ahi waa shaqo ay leeyihiin dawladaha hoose ee dalka oo maalin leh ah in ay bixiyaan kaadhka jinsiyada ama muwaadinimo oo ay tahayba marka hore in si rasmiya u socoto , ma ahaynba maanta oo doorashooyinkiiba bilo inaga xigaan in la yidhaa ha la bilaabo.

Waa hubaal in xukumada silaanyo ay og tahay in ay kalsoonida bulshada Somaliland guddo iyo dibeddba lumisay oo ummada ay ka nijad jabtay oo aanay %20 dooranaynin Beri ilaa galbeedka, taas bedelkeena ay arrinkoodu yahay Jidkii riyaale ee muddo korodhsigeen ka qayilin jiray ana aan maro, taasna Allah SC ayaa ka markhaatiya wixii aad shalay lahayd iyo hadafkaaga maanta aad u ham iyo dig leedahay ee diwaan gelinta isugu qaadayso iyada oo xili doorasho la joogo.

Ma gar baa in madaxweynihii yimaadba uu yidhaa ha la I kordhiyo marka waqtigiisu dhamaado oo kordhisimadu ay noqoto tusbax furmay.  Haddba, Bulshada Somaliland iyo waxgaradkiisu waa arkayaan jar iska xoornimada iyo afduubka la doonayo in lagu haysto amaanada ummada ay xukumadan u wakiilatay muddo shan sano ah oo la doonayo in la iska sii fadhiyo kuraasida sharci daro na dalkan iyo dadkana lagu haysto si loo sii boobo hantida Ummada wixii kor iyo hoosba ku duugan.

Haddba, Waxaan u soo jeedinaya xisbiyada mucaaridka ah , madasha wada tashiga ah, aqoon yahanka , iyo wax garadka Somaliland guddo iyo dibeddba in beesha caalamka iyo wadamada jaarka ah ba loo cadeeyo in Somaliland afduuban tahay ayna si dhakhso leh u dhisaan Dawlada Ku meel gaadh ah oo gaadhsiisa dalka doorashooyin xor ah oo xalaal ah mar haddii muraadka Xukumada silaanyo yahay beegsiga muddo kordhin xaaran ah ayna daacad ka ahayn doorashooyin qabsooma xiligoodii.

 

Ugu danbeyntii, Wallee karsi xun iyana wax ku la, bal waa la arki cida ay xukunto xukumada silaanyo haddii iyadu sharciyada jebiso. Ummada wax ay wax ku tahay sharciyada iyo kala danbeynta, waxa lagu ixitraamaya xukumada Silaanyo waa sharciga haddii ay sharciyada ka talaabsatana waa xaq in muwaadinku u sharciga gacantiisa ku qaato. marka waxaan u jeedinaya Xukumada silaanyo iyo kooxda ku xeeran cid la haysan karaa ma jirtee ummada sharci ku hogaami oo doorashada qabo oo aamin wax aad sanduuqii  aad kursiga ku heshay shalay uu maanta ku siiyo,.

 

Saeed A dualeh

Uk

 

Â