Diyaarinta Qabyo-Qoraalka Halbeega Waddooyinku Dalku Waa Talaabo Horumar ah oo Horay loo Qaaday “Roads Standard Manuals” “ Waanu Qiimaynaynaa Taageeradiina Waanan Qaadanaynaa Talooyinkiina”

10636309_1672923579600034_2981084947967423959_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Diyaarinta Qabyo-Qoraalka Halbeega Waddooyinku Dalku Waa Talaabo Horumar ah oo Horay loo Qaaday “Roads Standard Manuals” “ Waanu Qiimaynaynaa Taageeradiina Waanan Qaadanaynaa Talooyinkiina” Waxay ahayd maanta kadib markii kulan hawleed qaadan doona maalmo aanu ku daah furnay buuggaag qabyo-qoraal ah “Draft” oo looga gol leeyahay horumarinta iyo hagaajinta Waddooyinka dalka.

 

Talaabadani Waa bilow wanaagsan oo Waddooyinka dalkeena ka socda loogu dejin doono Halbeeg la raaco oo laga siman yahay. Bandhigan maantu waa bilow qabyo-qoraal ah , waxaanan ka codsanayaa cid walba oo tallo, toosin iyo tilmaam-ba haysa in ay ku soo darto Anaguna Waanu Qiimaynaynaa Taageeradiina Waanan Qaadanaynaa Talooyinkiina Waxaan bogaadinayaa Hay’adda ILO oo kaashanaysa Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland “RDA” oo qabyo-qoraalkan gacan wayn ka gaysatay. Buugta ayaa ka kooban: 1- #Pavement Design- Manual “Volume 1” 2- #Pavement Design Manual “Volume 2” 3- #Pavement Design Manual “Volume 3” 4- #Geometric –Design – Manual 5- #Drainage Design Manual 6- #Bridge Design Manual 7- #Road Furniture Manual Fadlan wixii talo iyo tilmaam aad haysana waxaad ku soo hagaajin kartaa www.guusha.com qaybtiisa talooyinka Sidoo kale waxaa gacanta lagu hayaa xeerkii Waddooyinka dalka “Somaliland Roads Act” oo marka uu dhamaado Wakaaladda u diyaarin doona in ay noqoto Hay’add Madax banaan oo lugaheeda isu taagta, waxaanu ku dedaalaynaa in Waddooyinka dalku noqdaan kuwo leh: —

Road Standard Manual — Policy and Procedure — Somaliland Roads Act Kuwaas oo dhamaantood taageeri doona hanaanka Waddooyinka dalka oo dabcan ah muftaaxa horumarka. Waxaa dhab ah horumarka dalkeena ka socda ee dhinac walba leh in uu u baahan yahay Aqoontiina, Taladiina iyo Taageeradiina, hadaba, aynu dhamaanteen gacan ka gaysano taabo gelinta Qarankeena iyo Xaqiijinta Himiladeena. Wa Bilaahi Tawfiiq