Doc-faruur​ka Dastuurka Qaranka iyo Dabo-jiidk​a Xeerarka Diiwaangel​inta oo Xukuumadii ka yeeshay Milan iyo Maydhanaan Qunyar socod ah. Qalinkii A/rahman Fidhinle UK.

 

 ” Heedheh Ma maqli jirteen Maanta Meel  inoo fayoobi ma jirto”  Mar hadii ay xeerarkii iyo xeegaanadii ay xukuumadii ka dhigatey shaadh ay kolba isu tosho oo ay is leekeysiiso, Miyaa nala aragteen Xukuumadii Maganta iyo Miciinka la moodaayey oo hada ku caan baxdey Xeer maroor, xeer-xaglis, Xeer bur-bur, xeer dhoob-dhoob, Xeer xeeladeyn, Xeer Xawawar, Xeer Ka-bood, Xeer duduuc , xeer duudsi, Xeer dabo gur, xeer duleyn,Xeer kala tuur iyo xeegaanku waa weecsin, beegsin iyo xageyga. Sharcigu  maaha rakuub marna la fuulo marna dhinac loo duwo marna laga boodo ee sharcigu waa jeerin oo lagama boodi karo waa dabarka,hogaanka iyo seetada ummada lagu kala hago ee lagu xakameeyo sidaa daraadeed waa in xukuumada lagu soo dabaalaa oo loogu  dhaartaa oo lagu soo celiyaa  Sharciga ” Law and Order “

Waxaa Caalamkii ina daawanaayey oo ay ugu horeeyaan wadamada jaarkeena oo iyagu ku xajiimooda Dimuqraadigeena yar ee kab-kabka, dhab-dhabka  iyo yagleesha ah ay aad ula yaabeen  markii Xakuumada Siilaanyo ee xiqdi iyo xajiin badan ay xeerarkii labada diiwaan gelinood ee ay Xisbiyadii qaranka kula heshiisey in ay kala madax banaanaadan oo is bar- bar socdaan ( Dual Truck ) ay madaxa isu gelisey ee ay isku qalaxdey. Kute, “Labada diiwaan gelinood waxaa loo qabanayaa sida ay ukala horeeyaan oo qofka aan qaadan kaadha muwaadinka ma qaadan karo kaadhka cod-bixinta, waxay arintani ka mid noqoneysaa talaabooyinka  gun-nimada iyo dhaqan xumada ah ee uu ku  shaa-shoobidoono Dimuqraadigeena silan ee socod baradka ahi. 
Asqo xukunka Xukuumada talada haysa iyo Fashilaada qaawan ee ay ugu badheedhay in ay ku carqaladeyso doorashooyinka isbarkan ee fooda inagu soo haya ayaa  waxaa kaaga markhaati cadaan ah oo lala wada yaabey qodobadan ay xukuumadu soo dhoob-dhoobtey ee hoose:
1-  Kute’ 16 jirka wixii da’doodu ka weyn tahay ayuunbaa diiwaangelinta madaniga ah ka qeyb geli kara 
2-  Kute’ Ma jiri doono in uu Muwaadinku qaato kaadha  codbixinta hadii aanu qaadan kaadhka muwaadinka, maadaana ay labada diiwaangelinood ay isku sidkan yihiin.
3- Kute’ Labada diiwaangelinood way isku qalaxan yihiin oo waxay udhacayaan sida ay ukala horeeyaan taas oo markasta horeyn doonto diiwaangelinta madaniga ahi.
4- Waxay ku soo koobtey goobihii codbixinta 200 oo goobood halkii laga filanaayey 1000 goobood si muwaadin kastaa uhelo fursad ufududeysa in  uu isku diiwaan geliyo.
5-Waxay xukuumadu kala dirtey komishankii doorashooyinka kuwii cusbaana weli cunaha iyo dhegaha ayey haysaa oo waxay xuraaminayesa duul pre-paid ah.
6- Waxay Xukuumadani mudnaanta siineysaa oo ay carabkeeda ummadda ugu cel-celinayesaa Diiwaangelinta Madaniga ah oo aaney waxba ka suurto geleyn  hadii lagu deg-dego oo aan saani loo diiwaan-gelin muwaadiniinta reer S/land oo dhan, kiisa dhasha, kiisa dhinta, kiisa guursada, iyo reerka kala taga ama isfuraba iyada oo loo sameynaayo xeerar bishilan oo aan ka gaadhsiis aheyn,
7- Murankan dabo-jiidka ah  ee ay gelisey Diiwaan-gelinta madaniga ah iyo tii cod-bixiyayaasha ee ay labadii Diiwaan gelinood isugu min-guurisey hal xeer oo weecsin ah oo aaney kula heshiin xisbiyadii mucaaridka ahaa ayaa iyana caqabad ku ah in doorashooyinku waqtigooda ku dhacaan.
8-Ilaa hada madaxtooyadu may kala cadeyn labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada ta soo hormareysa laakiin waxay carabkeeda ku canqarisaa oo ku cel-celisaa doorashooyinku waqtigooda ayey kudhacayaan. waqtigee dee ? hadii aaney xukuumadu ka fiirsan arintan cakiran ee ay fool-erido  uun diiwaan-gelinta muwaadinka waxay arintani  caqabad iyo carqalad hor leh ku noqon doontaa Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha iyo doorashooyinku in ay waqtigii loogu talo galey ku dhacaan..
Waxaa shacabkii iyo waxgaradkiiba la yaabeen qaabka talo maroojinta ah ee ay Madaxtooyadu u-afduubtey masiirkii, milgihii iyo dastuurkii qaranka taas oo ay xukuumadii ku dul-gel-gelimeysatey curintii xeerarkii iyo xeegaanadii hore la isugu raacey ee diiwaangelinta muwaadinka iyo diiwaan-gelinta cod-biyayaasha. Waxaa hore la isugu raacey in ay kala ahaadaan labada diiwaan-gelinood qaar kala madax-banaan oo is bar-bar socda taas oo xukuumadii afduubtey oo isku dabartey iskuna fasaqisey oo gadhka isu gelisey. Waxay komoshankii hore ay dhayda ka cadeeyeen oo ay sii qorsheeyeen in ay Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha la bilaabo bishan aynu ku jirno ee Septembar oo lawado ilaa dhamaadka Decembar 2014 , Waxaa halkaa shacabka fogaan araga ah uga cad in aaney Diiwaan-gelintu ku dhici doonin waqtigii loo qorsheeyey ee ay hada soo muuqdaan duufaan iyo dabin isu maleegii doorashada dib loogu dhigi lahaa si xukuumadu kursiga ugu sii nagaato waana iyaga iyo allahood!!
 
Alleh ayaa Mahad leh,
Wa-laahum-Aclum .Wa-bilaahi -Towfiiq.
Qalinkii A/Rahman Fidhinle
Qoraa – Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
Londo