Dowladda Faransiiska oo shaacisay inay qayb ka qaadatay dilkii loo geystay Hogaamiyihii Shabaab Axmed Godane

image

Dowladda Faransiiska, ayaa daaha ka rogtay in Mareykanka, ay kala shaqeysay dilkii loo geystay Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab oo 1-dii Bishan lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Drone-ka ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha dalka Faransa Francois Hollande, ayaa sheegay in sirdoonka Faransiiska ay wada shaqeyn uu la lahaa Xukuumadda Washington kaasi oo ku saabsanaa hirgelinta weerarkii dhanka hawada Mareykanka ee sababay geerida hogaamiyihii Xarakada Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Mr Francois Hollande, wuxuu tilmaamay in door muuqato ay ku lahaayeen Sirdoonka dalka Faransiiska Xogaha la xiriira dilka loo geystay Axmed Cabdi Aw Maxamuud oo ku magac dheer (Axmed Godane) Shabaabka dhexdoodana looga yaqaanay Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr.

Francois Hollande waxaa uu sheegay geeddi socodka howsha iyo waliba isuduwidda xogta iyo sirdoonkaba uu lahaa Faransiiska,hase ahaatee Madaxweynaha Faransiisku waxa uu tilmaamay in howlgalka xagga dhulka uusan Faransiisku ka qayb qaadan.

Si rasmi ah waxaa u shaaciyay in dilka Axmed Godane inay ka dambeeyeen Dowladda Mareykanka, oo sheegtay in diyaaradaha aan cidi wadin ee Drone-ka ay ku dileen Hogaamiyihii Kooxda Shabaab.

Hogaamiyihii Xarakada Al-Shabaab oo ahaa 37-sano jir waxaa uu kamid ahaa tobanka ruux ee ugu horeysa dadka uu doon-doonayay Mareykanka ee madaxooda lacagaha la dul dhigay.

Bishii January ee sanadkii 2013-kii Dowladda Faransiisku waxay ku fashilantay howlgal Milateri oo ay ku dooneysay in ay ku soo furato lahayste Faransiis ah oo Al Shabaab ay ku haayeen xilligaasi Magaalada Buulo mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Salaanmedia/Mogdisho