Dowladda Somaliya oo si xoogan u beenisay in basaboor ay siisay muwaadin u dhashay Turkiga

image

Dowladda Somaliya, ayaa waxay si xoogan u beenisay wararka sheegaaya in basaboorka diblomaasiga ee Somaliya, ay siisay muwaadin u dhashay Turkiga, xilli la sheegay in daroogada uu ka ganacsado, laguna qabtay Garoonka Sofia ee dalka Bulgeria.

Taliyaha Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Somaliya General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka aan laga fiirsan ee lagu baahiyay barraha Internetyada.

“Basaboorkaan la soo dhigay mareegaha wax ka jiro ma jiraan, waa wax laga shaqeeyay, oo la isku aadiyay.” ayuu yiri Taliyaha Waaxda Socdaalka & Jinsiyadaha ee Somaliya, oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho.

Wuxuu si adag u sheegay inaanay jirin wax basaboor ah oo ay bixisay Safaarada Somalida ee Turkiga, iyadoo markaasi la siinaayo muwaadin u dhashay dalkaasi, oo ka wakiil ah Dowladda Somaliya.

“Nin Turkiya oo Safaarada Somaliyeed ee Turkiga basaboor u soo qortay ama Dowlad Somaliyeed wakiil ka ah, haba yaraateena ma jiro.” ayuu yiri General C/laahi Gaafow Maxamuud.

Wuxuu kaloo yiri “Basaboorkaan waa basaboor qof Somaliya lahaa, la kor saaray warqad lagu qoray ninkaasi magaciisa iyo sawirkiisa.”

Wuxuu ku cel celiyay inaanu jirin qof ajnabi ah oo qaatay basaboorka Somaliya, waxa uuna yiri “Basaboor Somaliyeed oo nin Ajnabiya qaatay haba yaraatee ma jirto. Basaboorka halkaan ku sawirana basaboor jiro maaha.”

General Gaafow waxa sheegayaa inay baari doonaan nambarka basaboorka, isla-markaana ay soo bandhigi doonaan qofka iska leh lab iyo dhidig waxa uu yahayba.

“Nambarka halkaas ku sawiran waxaa iska leh qof Somaliyeed, qofkiina waan heleynaa, laakiin waan soo bandhigeynaa haddii nin ama naag yahay.” ayuu sii raaciyay General Gaafow.