Duulaanka Sax-dheer Iyo Dib Udejinta Awdal ee Xukumadda Maanta

maqaal
Iyada oo aanan marnaba taageersanayn ammaba aanan garab taagnayn cidkasta oo cadaw ku ah JSL ee hadana waxan wax iska waydiiyay oo aan caawa qalinka u qaatay duruufaha ay ku kala suganyihiin gobolada bari ee s/land iyo iyo kuwa galbeedka s/land
Waxa aynu la wada soconaa in had iyo jeer ay mashaakilaad iyo duruufo colaadeed oo in badan inagu soo noqnoqdaa ay ka dhacaan gobolada bari 
waxaana ugu dambeeyay duulaankii dhawaan kadhacay deegaanka Saax-dheer oo katirsan gobolka Sool hadaba waxa ay iswaydiintu tahay waa maxay sababta ay u degi la.ayihiin gobolada bariga s/land
amma xagaa laga wadaa mushkilada soo nqnoqota ee had iyo jeer kolba kasoo laba kaclaysa goboladaas

waxa jirta marka aynu arintaas si dhaba isu dultaagno cabashooyin ay had iyo jeer ka cawdaan siyaasiyiinta deegaanadaas kasoo jeedaa markay arintu caynkaas tahay waxay xaq u leeyihiin siyaasiyiinta iyo shacabkooduba iyo weliba deegaanaday kasoo jeedaanba inay helaan xuquuqdii muwaadinimo
iyaga oo ku doonaaya sida ugu macquulsan ee ay dadka iyo dalkuba ku badbaadayaan

Waayahay waxa timi ta xukumadda iyo xidhiidhkeeda iyo weliba tanaasulkeedda waa intee doorka ay ka qaadataa soo dhawaynta dadkaas Muwaadiniinta ah sidda runtiiya maaha mid lagu amaano ammaba la yidhaahddo way ka dedaashay arintaas xukumadeenu oo ilaa hada lama hayo hal arin oo lagu majeerto marka laga hadlaayo arinta Goboladda Briga s/land

Sidoo kale anigu lama dhacsani ammaba ma taageersani cid kasta oo dagaal iyo colaad xaqeeda ku doonta sidda dhacda mararka qaar
laakiin waxa aan iswaydiinayaa waxa weeye dedaal intee leeg ayay xukumaddu kagashay arinta hogaamiyeyaasha kooxa haas 
waxan doonayaa inaan soo gunaanaddo Faaladdan oo aan ku soo koobo arintan

Iyadda oo ay jiraan Duruufahaas aynu kor kusoo sheegnay oo dhami oo ay haystaan dad dalka u dhashay waajibna ay ahayd in maanta loo wada guntaddo wax ka qabashadda qalalaasa haas oo lag dedaalo sidii loo joojin lahaa dhiiga daadanaaya ee muwaadiniinta qoriga iskala soo hor jeedda ayay xukumaddeenii xilkaasi saaraa waxay Magacawdday guddi Wasiiro ah oo dib u eega cabasho ka timi gobolka Awdal
taas macnaheedu waxa weeye dalka intii aan cod ka helaayo ayaa ii dana ee wixii daantaana daadku ha qaaddo wixii docdaasna duufaan ha dhufto

Runtiina waxay dadkii ku noqotay markii uu maanta M/weynihii Qaranku magacaabay Gudidaas waxaan leeyahay Mudane M/weyne Muwaadiniinta maalinba ninka xaq u leh inuu cawddo tiisa dhegayso oo xal u raadi muwaadiniinta Bariga S/land ee dhibtu ina wada haysato waxba haku mashquulin nin Xil Iyo Saami Raadinaayee intay goboladda kale kuraasta rabaan kuwani way inaga maqanyihiinba waa waax loo baahanyahay ee wada hadalka iyo raali gelinta sii maalinba muwaadinka meesh qaldan wax uga muuqdaan oo weliba u tanaasul

By Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky
Qalin Ku Difaac Group