FALANQEYNTA XATOOYADA XILDHIBAANADA GOLAHA DEEGAANKA EE HARGESA, IYO SOO BANDHIGIDA XOG KU SAABAN !!!

 

imageFALANQEYNTA XATOOYADA XILDHIBAANADA GOLAHA DEEGAANKA EE HARGESA, IYO SOO BANDHIGIDA XOG KU SAABAN !!!

Dadwanaha reer hargeisa waxaan la socodsiinayaa in aan soo bandhig doono barnaamuj ku saabsan xildhibaanada golaha deeganaka hargeisa waxaan soo bandhigi doonaa taarikh nololeedkii xildhibaan kasta shaqadiisii hore hantiduu heystay iyo xoolaha ummada ee maanta jeebkiisa ku jira, inagoo cadeymo u soo qaadan doona hantida ummad ee la musuqmaasuqay.

Haddaba waxaan bulshada reer hargeisa la socod siinayaa in uu barnaamukani socon doono muddo 13 cisho ah oo ka bilaabi doonta bisha tobnaad anaga oo ku soo qaadan doona maalin ba laba xildhibaan taariikh Nololeedkooda.

Haddaba waxaad kala socod doontaan warbaahinta internteka iyo wargeysyada dalka iyo joonaalka ka soo baxa magalada london oo ku soo baxa afka soomaliga waana barnaamij taxane ah waxaan soo bandhigi doona waa wax ku salaysan xaqiida oo aan la iska odhan

Ujeedad ugu mudan ee soo bandhiga xogtani waa in bulshadu ka marqaati kacdo in xildhibaanaddaad doorteen aanay kuu maqneyn ee ay ku maqn yihiin xoolo urursasho, hanti tabcasho, iyo boob dhuleed.
muwaadin la xisaabtanka xildhibaanadu waa sharci iyo qodob dastuuri ah, waa in aynu cabashadeena ugudbino madaxweynaha, taas oo aynu u mari karno awoodeena dastuuriga ah, ma ogtahay in haddii 5000 oo qof ay saxeexaan in madaxweynuhu kala diri karo,

Haddab si aynu cadaalad uga hadalno inagoon xildhibaana dulmiyeyn waxaynu rabnaa in aynu diirada saarno bal ashkhaastaynu dooranay in ay shaqo inoogu maqn yihiin, iyo in ay shaqeysanayaan.

Wixii xog ah ee aad heyso fadlan nagu soo biiri, angoo ilaalin doona anshaxa xog gudbinta iyo magacaaga gaaraba.

contact:- garaadmahad74@gmail.com
Tell 063-4854791 Ama 0633661359
Garaad Mahad Max’ed Abdi