Fariin ku socota shicibka Somaliland Madaxtooyadu waxay doonaysaa in la isku dilo diiwaan gelinta madaniga ah by Abdi Mustafe

MADAXTOOYADA
Madaxtooyadu waxay qorshaysatay si aan doorasho u dhicin in ay diiwaan gelinta madaniga goobo yar oo iyaga u gaara ay ka sameeyaan. Diiwaangelin dowladu samaynaysaa dadka dhex uuma noqon karto ee iyaga ayaa sida ay uugu badiso dad kooda ku siinaya kaarka muwaadinka. Hadhowna waxay doonayaan in ay yidhaahdaan qofkii kaadhkaa heysta ayuun baa footeyn kara. Diiwaangelinta madaniga ah golaha wakiilada lama soo marin oo badheedh baa lagu wadaa. Shicibku ha qaadacaan ta madaniga ah iyagaa qasab ku qaban ta cod bixiya yaasha si doorasho dalka uuga qabsoonto oo aan caalamku inagula yaabin e.
Waxay ogyiin in rebshado ka dhici doonaan si ay uugu dacwiyaan dagaalo ayaa jira oo doorasho ma qabsoomi karto. Diiwaan gelinta madaniga ah waxa loogo tala galay in lagaga mash quuliyo dadka tii cod bixya yaasha oo ay ahayd in xukuumado qabato.
Madaxweynaha dalka xukumaa waa kaa ku sheegaya wasiirkii madaxtooyada in uu yahay wasiirkii wasiirada een xasuusan karayn in Xirsi yahay wasiirkii madaxtooyada. Waxa wadanka walaaqaya ee diidan in doorasho qabsoonto waa marwada Amina Weris ee waxa la yaab le Xirsi oo dadku moodi jiray in uu yahay fariid garan kara wixii lagu fashil mayo ayaaba isna iminka dabada ka riixaya in aan doorasho la qaban. Hase yeeshee kol hadii madaxweynihi xaal kiisu iska yahay wagash-wagash marnaba Amina Weris ku guuleysan meyso in qasriga madaxtooyada ku sii jirto iyadoon xaq u lahayn.