Gaadhi waxyaabaha qarxa ay ku xidhan yihiin oo Kampala lagu qabtay

image

 

 

 

 

 

 

 

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalkii ciidanka Booliiska dalka Uganda, ay ka sameeyeen Magaalada Kampala ee dalka Uganda, sabtidii aan soo dhaafnay, iyadoo la sheegayo in ciidamada ka hortaga waxa loogu yeero argagixisada ay gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wargeyska The New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Uganda, ayaa sheegay in gaarigaan ciidamada ay qabteen, xilli waxyaabaha qarxa oo aad u badan ay ka buuxeen.

Nooca gaariga, ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay TOYOTO NOAH oo lahaa Taariko Nambar laga leeyahay dalka Koonfurta Sudan lagu qabtay Xaafadda Mengo Kisenyi ee magaalladda Kampala sabtidii aan soo dhaafnay.

Faahfaahinta gaarigaasi la qabtay ayaa la shaaciyey shalay, iyadoo ay ciiddanka ku takhasusay waxyaabaha qarxa kala furfureen miinadda lagu soo rakibay gaarigaasi noociisu ahaa TOYOTO NOAH.

Booliiska Kampala, ayaan ilaa hada faah-faahin rasmi ah ka bixin gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ee Magaaladaasi ay ku qabteen, inkastoo Booliiska maalintii Axada ay soo bandhigeen rag iyo waxyaabaha qarxa oo ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen Xaafada Soomaalida ay degto ee dalka Uganda.

Safaarada Mareykanka ee dalka Uganda ayaa horay digniin uga bixisay in ay suuragal tahay weeraro ay geystaan Ururka Al Shabaab, kadib dilkii loo geystay Hogaamiyihii Ururkaasi Axmed Godane, waloow Shabaab ay beeniyeen inay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan dalkaasi.

Booliiska Uganda ayaa ku guda jira heegan buuxa oo ku aadan xaqiijinta ammaanka dalkaasi, xilli ay jiraan cabsi ku aadan dhanka ammaanka oo laga digayo.

Salaanmedia/Mogdisho