Golaha Ammaanka oo xayiraado ku soo rogay Amiirka cusub ee Ururka Al Shabaab

 

image

 

 

 

 

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe, ayaa waxa uu xayiraado ku soo rogay Amiirka cusub ee Ururka Al Shabaab Sheekh Axmed Cumar (Abuu Cubeyda), oo xilka la wareegay markii weerar xagga cirka ah lagu dilay Amiirkii hore ee Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane).

Golaha Ammaanka, ayaa xayiraadaha Amiirka Al Shabaab u adeegsaday xeerarka uu tirsigoodu kala yahay 751 iyo 1907, oo dhigaaya in lagu daro ragga uu caalamku baadigoobka ugu jiro, isla-markaana loo arko inay halista ku yihiin nolosha aadanaha.

Xeerarkaan, ayaa waxay dhigayaan in Amiirka Al Shabaab laga mamnuuco safarada, xanibaado lagu soo roggo hantidiisa iyo in la burburiyo hubka wax dila, ee uu lee yahay.

Bayaan laga soo saaray Xafiiska Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Ururka Al Shabaab uu yahay urur argagaxiso oo caalamka ka mamnuuc ah.

Golaha Ammaanka, ayaa waxaan jirin wax lacago ah oo ay dul dhigeen madaxa Amiirka cusub ee Ururka Al Shabaab, marka laga soo taggo in lagu daray liiska ragga baadigoobka loogu jiro.

Mareykanka, ayaa 1-dii bishaan weerar ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Amiirkii hore ee Shabaabka dhexdiisa looga yeeri jiray Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr). Waxaana 6-dii bishaan xilkaasi la wareegay Abuu Cubeyda.

Mareykanka, ayaa horey 7 milyan oo dollarka Mareykanka ah u dul dhigay Ina Godane, waxaana la aqoon cidda lacagtaasi la siiyay, haddiiba ay suurta gashay in la qaarajiyo ninkaasi.

Salaanmedia/Mogdisho

Xigasho dacdo.com