Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Hay’adda Nabadsugida, C/raxmaan Tuur yare

image

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa saaka ansixiyay magacaabista Taliyaha Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed oo loo magacaabay C/raxmaan Maxamed Tuur yare (C/raxmaan Cumda).

Kulan Golaha Wasiirada ay saaka yeesheen ayaa lagu meel mariyay Taliyaha cusub ee Nabadsugida Soomaaliya oo shalay Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay C/raxmaan Tuur yare Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Dhacdo.com usheegay in Wasiirada Soomaaliya ay soo dhaweeyeen magacaabista Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya, kadib markii 7-dii Bishan Golaha Wasiirada Soomaaliya ay xilka ka qaadeen Taliyihii hore ee Nabadsugida Soomaaliya.

Ansixinta iyo magacaabista Taliyaha cusub ee Nabadsugida Soomaaliya C/raxmaan Tuur yare ayaa waxa ay kusoo aadeysa, xilli dalka uu ka maqan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo safar dhanka dibada ah uu ku maqan yahay.

Shirka Golaha Wasiirada ee C/raxmaan Tuur yare lagu ansixiyay ayaa waxaa shir Guddoominaayay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed.

C/raxmaan Tuur yare oo ah nin ay isku dhaw yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hada noqday Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya, kaasi oo ay horyaalaan shaqooyin kala duwan oo ku qotoma arimaha Sirdoonka dalka.

Taliyihii hore ee Nabadsugida Soomaaliya C/laahi Sanbaloolshe ayaa xilka qaadistii wuxuu ku sababeeyay go’aan lagu deg-degay iyo arimo Siyaasadeysan, maadaama uu sheegay inuu dhexda kasoo galay siyaasado iska soo horjeeda.

Salaanmedoa/Mogdisho