HA IS CASILIAAN XILDHIBAANADA GOLAHA DEEGAANKA HARGEISA EE LAGA SOO DOORTAY DEGMOOYINKA M/HAYBE IYO MAXA’ED MOOGE

image

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

HA IS CASILIAAN XILDHIBAANADA GOLAHA DEEGAANKA HARGEISA EE LAGA SOO DOORTAY DEGMOOYINKA M/HAYBE IYO MAXA’ED MOOGE

anigoo mudaba warbaahinta kaga hadlayey wax-qabad la’aanta golaha deegaanka hargeisa,

waxaa jirta in bishan arafo ay tahay bisha “Dekeda Saylada Xoolaha” ee hargeisa laga iibsado, taasooy dowlada hoose dakhligeeda maamusho, iyadoo dakhliga bisha ka soo baxaa lagu qiyaasay 900.000.000sl halka ay sannadkii hore dakhligeedu ka ahaa 800.000.000sl,

waxaa ayaan daro ah iyadooy dakhliga intaas la’egi ka soo baxo, ay dacaycan yihiin wadooyinka, gaar ahaan

1- wadada madaarka Ilaa Biriijka
2- Wadada Suuqa Waaheen ilaa Saylada
3 Saylada ilaa maxamed mooge
4 buundooyinka go’aya “Botan Fuel-station”

waxaa nasiib xumo ah in “dakada xoolahu” iyadoo intiis oo dakhli ah bisha arafo oo kaliya soo saaraysa, iyadoo aanay ku jirin
1- Cashuur sanadeedka daaraha
2- Cashuurta Dhulka banaan
3- Jeexista dhul ee laga qaado $100
4- Liisamada Gacansiga ee la canshuuro
5- Canshuurta kala wareejinta ee lacagta adag laga qaado

haddaba waxaanu u soo jeedinayaa xildhibaanada ka soo jeeda degmooyinka M/HAYBE iyo Max’ed mooge in ay iska casilaan jagooyinka ay hayaan maadaama ay kala xisaabtami ka riwaayeen maayarku in uu wax qabto degmooyinkii ay ka soo baxeen. ayna dayaceen codkii shacabkoodu siiyey ee loogu igmaday in ay wax ugu qabtaan.

Ku: Maayarka Caasimada hargeisa

Maayar cadaaladu waa lama dhaafaan, sinaanta dagmooyinka caasimadu waa muhiim, kala jecleysashadooduna waa mid daciifin doonta masuuliyada aad heyso, waxaana kugu noqon doontaa boog siyaasadeed oo aan kaa hadhin,

mar hadii intii hore la hagraday maayar in dakhliga “Dekeda Xoolaha” bishan oo kaliya waxa loogu qabto degmooyinkan, ka aradan kaabashaayee nololeed. ee xashiishka iyo wado xumidu wehel u noqotay.

Garaad Mahad Max’ed Abdi
063-4854791
063-3661359