HADDA LAGU SOO NOQDAY TUBTII SAXDA AHAYD EE DANTU KU JIRTAY BY FAISAL FARAFIDIYE


 Faysal
 

Waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharaftableh iyo  Bahwaynta xisbiga waddani debed iyo gudeba waxaanaan ku salaamayaa salamta Islamka ee ASLAMO CALAYKUM .

Waxaan halkan ka hambalyaynayaa hogaanka sare iyo hawlwadeenada iyo xubnaha  xisbiga waddani iyo xisbga UCID  oo mar labaad ku sanduleeyay xukumadu  inay u soo noqoto heshiskii la gaadhay ee aynu wada saxeexnay oo aynu markastab u arkaynay inay danta qaranku ku jirto kalana ilaalinay inaanay labada diwaangelinood isdabrin midna ta kale carqald ku noqonin si aanay doorashooyinku dib in ooga dhicin oo ay ku qabsoomaan wakhtiigii iyo hannaankii loogu talagalay.
Waxa maanta guul iyo farxad inaka iyo shacbiwaynaha Somaliland u ah inay xukumadeen u soo laabtay dantii umadda ee markastaba ay ku baaqayeen labad xisbi ee mucaaridka ah, taas oo dib u eegis iyo dib u habayn lagu samaynayo xeer labada diwaangelinood ee is barkan ee golaha wakiilada hor yaala  lagana saarayo dhamaan qodabada carqalda ku noqon kara habsami u socodka doorashayooyink labadii diwaangelinood ee is barkanaana la kala madax baneeyo oo ay noqdaan wax is barbar socda oo aan isku xidhmin shuruudna aan muwaadinka lagaga dhigin haddii anu kaadhka taysarada haysanin inaanu codayn karin taas oo ahayd halka ugu wayn ee muranku ka taagnaa.
Gushaas oo ah mid uu amaanteedda iyo bogaadinteeda leeyihiin shacbi waynihii somaliland ee mawqifkooda cadeeyay inaanay diidanayn in shacbiwaynaha la diwaan geliyo kaadhka aqoonsigana la qaato ee ay diideen diwaangelinta ujeeda ka danbaysa ay tahay in doorashada dib loogu riixo oo wakhtigeedi ay ka dib marto hadhawtona lagu musuq maasaqo codka dadwaynaha sidii horeba u dhacday, shacabkaas oo ku taageeray xisbiyada mucaaridka ah mawqifkoodii ahaa diidmada iyo qaadacaada.
1. Gushani waa mid u soo hoyatay inta danaynaysa jirtaanka qaranimada Somaliland.
2. Gushani waa mid u soo hoyatay inta jecel in dalkeena ka dhacdo doorasho xorah oo xalaal ah
3. Gushani waa mid u soo hoyatay inta nasteex iyo lexelo jeclo dalkan ka hayso
4. Gushan waxaa ka xun oo gabal madaw u dumay inta diidan qodabadaa ee ka horaysiisa danteeda gaarka ah
 
Waxaan bogaadinayaa Hogaanka sare ee kulmiye oo isagu mar kastaba ku taagnaa heshiiskii la galay lana mawqif ah labad xisbi ee mucaaridka ah  laakin uu u  maaro laa koox  wasiiro ah oo  uu hogaaniayo Raisal wasaaraha Somaliland oo iyaku jebiyay kana soo hor jeestay heshiskii la wada galay iyo danta qaranka guud oo danaynayeen mid iyaka u gaar ah.
Waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada Barlmaanka inay ku dhaqmaan qoraalka cusub ee madaxwaynuhu u soo gudbiyay ee dhigay in la kala saaro labada xeer ee diwaangelinta lagana saaro xeerka hor yaala qodobada dabarka ku ah doorashooyinka ee uu kow ka yahay qodobka 25 naad.
 
waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanad iskood u xoogsada ee loo yaqaano XOOGASATADA ee dalka caanka ka ah iyo Wasiirada AQAALKA YARI QABYADA KA YIHHIN inay ka waantooban danaha yar ee gaarka ah una soo noqdaan danta guud wakhtiga yar ee u hadhay waxaan aan leeyahay WAARIMAYSID EE WAR HA KAA HADHO.
 
ALLA MAHAD LEH
 
Faisal farafidiye
Wadaniga dhabta ah