”HARDANKA GEESKA AFRIKA iyo DACIIFNIMDA HOGAANKA SOMALILAND”….WARBIXIN XASAASIYA SIYAASI HABIIL CABDI HAYBE

Habiil

Waxaa baryahanba aad uga socda hardan siyaasadeed oo xaga awooda dalka somalia ah kaasoo dhex maraya madaxweynaha fashilmay ee somaliya xasan sheekh iyo raysal wasaaraha somaliya cabdiwali sheekh ahmed xaalada siyaasadeed ee soomaliya waxay ku jirtaa khalkhal iyo mugdi aad ufog, waxaa dalka maamula safiir UN usoo magacawday somaliya NICK KAY oo isagu keenay raysal wasaare cabdi wali,

Waxaa Soomaaliya kusugan ciidamo shisheeye oo gaadhaya 50,000 oo midkiiba UN siiso $1500 oo doolarka maraykanka ah iyadoo ay UN diiday inay bixiso mushaharka ciidamada somaliya oo ah $100 dolarka maraykanka ah, waxaa dalka kajira musuq maasuq baahsan oo gaadhsiisan ilaa xad laalunsado dhamaan $30 ka milyan ee dollar ee dekeda kasoo baxa bishii, canshuuraha barriga ee 18 ka degmo ee gobolka banaadir oo loo qaybsado qaab beeleed kunakooban qabiilka madaxweynuhu kadhashay iyo waliba deeqaha gaarka ah ee toos ay ubixiyaan dawladaha somaliya toos un caawiya ee TURKIGA iyo QATAR, waxaa layaab leh wax aad loola yaabo ah in shacabka somaliyeed oo qaar aad udhibaataysanyihiin  inta badana aan ba helin waxay kuqadeeyaan in masuuliyiintii wax uqaban lahaa ay isku dul haystaan oo dhaqaale boob iyo awood maroorsi lagu mashquulsan yahay,

Waxaa imikana bilaabmay siyaasad aad ukhariban oo lagu burburinayo dhamaan maamuladii ka horeeyey dawladan maanta kajirta muqdsho, waxaa bilaabmay siyaasadii lagu fashilin lahaa federaal somaliya loogu yeedhay, waxaa lasameeye qorshe larabo inaan somaliya magaalo magaalo ugudubta aysan jirin dagaal sokeeyana laga dhex rido si loo fashiliyo federaalka. hadaba halkee kaga jirtaa siyaasada xukuumada kulmiye hogaaminayaan ee SOMALILAND  kajirta yaa dalka maamula? waxaa xaqiiqo ah in madaxweyne ladoortay oo shacabka somaliland isku raaceen uu dalka dhex joogo laakiin aanu isagu dalka maamulin ee ay hogaanka dalka haystaa qoys sidii xukuumadii maxamed siyaad barre oo kale markay sii dhacaysay udhaqma oo aan hardanka siyaasadeed ee somaliya kasocda laba socon karin ay taladii dalkaas loo soo rafaaday maamulaan oo kumashquulsan lacag urursi iyo siyaasad kusalaysan qabyaalad iyo waliba qof jeclaysi aan mustaqbalka somaliland anfacaynin.

Waxaa jooga khubaradii dalka ka goysay somaliya oo bilaa camal ku ah suuqyada hargaysa iyo magaalooyinka kale ee somaliland, qaarbaan waxay cunaan haysan oo maanta bakhtigu uxalaal yahay wiilal yurub iska joogay markii dalku dagaalka kasocdayna waxa bangiyada carabta iyo yurub dhigteen malaayiin dollar oo laga soo xaday canshuurta dekedaha, airportdada iyo baladiyaha magaalooyinka somlailand laga soo ururiyo,  waxaa layaab leh in aan UK kula kulmay rabadaantii lasoo dhaafay masuulsare oo katirsan madaxtooyada somaliland kaasoo aan kala hadlay xaalada shacbka somaliland kusuganyihiin wuxuu iigu jawaabay in hadii aad odayaasha iyo dadka shacabka ah aad lacag yar oo sida $100 dollar ah siiso ay miiska dushiisa kuugu niikinyaan oo aanay wax qiimo ah lahayn mabda oodana uu yahay lacag iyo hunguri, aad ayaan hadalkaas uga xanaaqay waxaanan ku idhi qofka adiga kaadhigtay xog hayn waa qof aad uliita,

Waxyaabaha kusoo socda somaliland ee ay kamidyihiin inay hareeraysantahay oo larabo xili aan fogayn somaliya in lagusoo jeediyo iyadoo loo isticmaalayo xukuumada muqdisho kajirta iyo maamulka deegaanka somalida itoobiya si loo burburiyo somaliland, khaatumo ayaa lasoo taageerayaa dagaal joogta ahna waa lagu furayaa, dhinaca kalena diblomaasiyada  dibada oo dhan waa laga soo xidhay somaliland waxay maraysaa in UN ka safiirkoodii si cad uu hargaysa uga dhex yidhaahdo wax soamliland la yidhaahdo ma aqoonsani somaliyeyna katirsantahay,waxaas oo dhan waxay cadayn uyhiin dagaalka qaawan ee xukumada xasan sheekh kusoo qaaday soamliland iyo dhoohanaanta madaxda somaliland oo maanta maraysa inay baryaan in miiska wada hadalada somaliya ogolaato in laga wada hadlo sidii dib loogu midoobi lahaa.waxaana layaableh in in kabadan 45 oday hargaysa lagu casumay oo dhamaantood kasoo jeeda beesha madaxweynaha somaliya wax yar kadibna ay odayaashaasi kunoqdeen muqdisho oo ay ku dhawaaqeen dagaalka marka lagu qabsaday taasoo micnaheedu tahay in lasiiyey ogolaanshaha ah in hawiye uu marka kaqabsado dir oodhiiga beesha biyomaal loo xalaaleeyo xukumada xasan sheekh ooqabiilkiisa ciidamom qabiil usameeyey ciidan qarana kumagacaabay.

Taasi waa godob hor leh oo somaliland dir kagashay, markii aan xidhiidh lasameeyey baashe cawil xaaji cumar oo ah xoghaynta gaarka ah ee madaxweynaha somaliland wuxuu iigu jawaabaya haabiiloo waxani waa siyaasadee iska dulqaado.   hadaba waxaan kusoo gunaanadayaa somaliland badbaadadeeda waxay kujirtaa iyadoo ay talada lawareegaan dad masuuliyiina oo hogaaminkara sisax ahna dalka cadaalad uga samaynkara siyaasada somaliya kajirta faraha sitoosa ula gala si ay umaamulaan cida madaxweyne kanoqonaysa villa somaliya waxaanay maanta taagantahay somaliland inay somaliya maamusho ama in somaliland 1sano kadib iyadoo hoos joogta xukuumada xasan sheekh ay sika war hesho oo loo yeedhiyo wixii ladoono  WAXAAN LEEYAHAY REER SHEEKH ISXAAQOOW indhaha fura oo marqaanka kakaca waad hareeraysantihiinee.                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                          HOGAAMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA                                                                                              HORN OF AFRICA PEOPLE’S PARTY LEADER                                                                                                             PHILOSOPHER-  HAABIIL ABDI HAYBE