heshiis qarqooshka xukuumadu ku khiyaamaysay xisbiya mucaaridka ah ha layska hubsado!,

MAQAAL
 
Somalida ayaa ku maah maahda wadaadow alif wax buu leeyahay iyo wax maleh adaa lagaa hayaa! shalay uun bay ahayd markii xisbiya mucaaridka ahi qaylo dhaan ka wareegeen ee yidhaah deen diiwaangelinta madaniga ah ee xukuumadu wadato waa mid dhinac ka raran oo ay xukuumadu rabto inay ku khiyaamayso doorashada madaxtooyada ee lafilayo inay dalka ka dhacdo 2015 ka waxaanay cilad uga dhigeen diiwaan gelintaas dhowr qodon oo ay kamid yihiin,
 
1- suurtogal maaha in dalka laga diiwaan geliyo dadka wixii 16 jir ka weyn oo qudha, wixii 16 jir ka yari miyaanay muqaadiniin ahayn oo dalka xuquuq ku lahayn,
2- dadka Somaliland u dhashay waa dad degen Somaliland gudaheeda iyo dad gudaha dalka Ethiopia degen oo xuduuda dalka ka shisheeya markaas kuwaas Iyana waxay xaq u leeyihiin in waqti kufilan lasiiyo si ay u helaan kaadhka diiwaangelinta madaniga ah si ay u noqdaan muwaadin Somalilander ah oo xuquuq ku leh dalka berina codayn kara,
3-xukuumadu maxay ugu soo beegtay waqtigan laga sugaayay dalka inay ka hirgeliso doorashooyinka madaxtooyada ta diiwangelinta madaniga ah hadaanay xeeladi ugu jirin,
4-waxay xukuumada ku eedeeynayeen inay ka baxday heshiis laysla qatay oo ay wada saxeexeen 1-xisbiyada mucaaridka ah,2-xisbiga kulmiye,3-xukuumada,4-komishinka doorashooyinka qaranka,5-deeqbixiyayaasha dalka ka caawiya doorashooyinka, 
5-waxay kaloo shaki ka muujiyeen diiwaangelinta madaniga ah ee ay wasaarada arimha guduhu gacanta ku hayso loo adeedsado ta doorashooyinka madaxtooyada,
6-waxay xisbiayada mucaaridku dhawaaq dheer kala horyimaadeen xeerkii diiwaangelinta madaniga ah ee xukuumadu rabtay inay golaha wakiilada horgeyso si uu ugu sharciyayso diiwangelinta ay wadatay,
7-intaas oo qodob waxaa u dheeraa xisbiyada mucaaradka ah inay si wada jir ah u qabteen shir jaraa-id oo ay ku qaadaceen diiwaangelinta madaniga ah inay dalka ka qabsoonto waxaanay taageerayaashooda dalka iyo kuwa dibada jooga ugu baaqeen in aan la aqbalin diiwaangelintaas xukuumadu wadato,
 
hadaba waxa isweydiin leh waxaas oo shakiya ee ay xisbiyada mucaaridku ka muujiyeen diiwaangelintaas madaniga ah ee xukuumadu wadatay waxay marqudha ku bedeleen ee lagu qanciyay!!,
 
kulankii maanta ay yeesheen xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada iyo xisbigeeda kulmiye waxa qudha ee kasoo baxay wuxuu ahaa muuse biixi oo hal erey golaha ka sheegay oo yidhi waxay xisbiyada mucaaradku shaki ka qabeen oo aanu ka aqbalay marka doorashooyinka madaxtooyada laqabanaayo qofkii muwaadina ee goobta yimaad ee aan haysan kaadhka diiwaangelinta madaniga ah in goobta loogu sameeyo isla markaas si uu u codeeyo oo uu cod bixiye u noqdo! taas ayay wateen oo aanu anaguna ugu daray!,
 
hashiiska maanta dhex maray labada dhinac lagamasamayn wax qoraal ah oo la arkaayay oo loo qaybiyay saxaafada si umadu markhaati uga noqoto oo ahadhow cidkasta oo jebisa lagula xisaabtamo wuxuun buu ahaa hadal afka laga lahaa!, 
 
heshiis kaasina muu ahayn mid u qalma khilaafka iyo ismaandhaafka kadhashay diiwaangelinta madaniga ah iyo siduu saamaynta ugu yeeshay bulshada dalka wada degen iyo siduu u kala qaybiyay, 
 
somalidu waxay tidhaah daa laf aanad xoorayn feenka lagama idleeyo xisbiya mucaaridku hadii hadalkuba intaas ku dhamaanayo oo aan waxba layku hayn maxay umada taageersan ugu soo ban dhigeen in la qaadaco diiwaangelinta madaniga ah? miyaanay ahayn xaajo aan lahubsan oo lagu deg degay markii hore? mise waa xisbiyo aan karti siyaasadeed u lahayn inay kala ogaadaan waxa lagu khiyaamaynayo ee dalka iyo dadka aanay dani gujirin iyo waxa dadka iyo dalka manfaca u leh oo u baahan in xukuumada laysku barbartaago?,
 
qofka keliya ee aan heshiiskaas goobjooga u ahayn ee katirsan xisbiyada mucaaridka ah ee shakiga kamuujiyay ee la waraystay waa Jamaal cali xuseen oo markii la su-aalay yidhi heshiiskaas farbaa ku godon inkasta oo aanan goobjoog u ahayn wax qoraal ah oo heshiiskaas ku saabsanina weli imuu soo gaadhin taasina waxay kuujinaysaa inuu yahay heshiisku mid lala dhuuntay oo aanay xisbiyada mucaaridka ahi u dhamayn,  
dhacdadan waxay tusaale u tahay in aanu dalku lahayn xisbiyo mucaarid ah oo ay cadahay siyaasadooda mucaaradnimo oo waxay doonayaan iyo waxay diiyaana la kala sixi Karin,
 
dalku wuxuu u baahan yahay siyaasiyiin bisil oo dalka kasaara mugdiga uu ku jiro iskuna soo celiya dadka wada degen ee sii kala fogaanaya ee gobol gobolka u kala go-ay si loo helo dal mid ah iyo dad mid ah oo isku duuban, 
 
Aadan axmed nuur