HIIL BAAN U BAAHNAHAY -QALINKII-QAALI DUMAR

MAQAAL

Waxan Salan Qaaliya U Dirayaa dhamaan umada somaliyeed meelkasta oo ay aduunka kaga nool yihin waxan sigaara u salamayaa asxaabtayda facebook waxanan ku salamayaa salanta islaamka ee mcn ‪#‎ASC_WR_WB‬) Salan kadib waxan manta jeclaystay inaan idin soo gudbiyo Maqaal aan ugu magac daray‪#‎HIILBAAN_UBAAHNAHAY‬ waa maqaal iiga duwan maqaladii hore aan qori jiray wana maqaal saamayn wayn ku reebay naftayda waxan jecelahay inaad akhridaan fahmina doontaan ujeedada maqaalka ,,waa maqaal ku saabsan tahriibta iyo dhibatada uu leyahay manta,,, waxa manta haysata dhalinteena somaliyeed dhib aad uwayn sidaynu wada ogsoonahay boqolaal dhalinyara ayaa ku dayacan saxaraha mana haystan wax cawima intooda badan waxay u dhintaan gaajo iyo haraad qaar kood waxay cunaan dooga sida xoolaha oo kale qaarkoodna waxay cabaan kaadi dooda kuwaas oo aan haysan biyo ay cabaan marka ay ka soo gudbaan dhibta saxara waxay yimadaan bada taas oo ay dhib kale oo ka sii wayn tii ay soo mareen kala kulmaan waxay naftooda soo galiyaan mahaliko ay arkayaan yago u badheedhaya taasna waxay cadaynaysaa inay quus ka qadeen naftoodi oo aanay kala jecelayn geerida iyo dhimashada iyagoon garanayn haday halka ku dhintaan waxa kaga horeeya aakhiro,, waxa ka soo badbaada bada tiro aad u yar marka la eego dadkii bada soo maray hadana waxay usoo gudbaan nolol tii hore ka sii adag yago filaya inay ka dhamadeen dhibtii ay soomareen ,,waxay soo galan wadana yaryar ee aan awood ulahayn inay noloshooda qaabilaan sida talyaaniga malta iyo qaar la mida kuwaasina waxba uma qabtan kaliya waxay u sameyaan wax xanibaya kuna adkaynaya inay gadhaan noloshay ku haminayeen ,, waxa dhacda in ay ku wareegan dhamaan aduunka dacaladiisa yago raadinaya nabad galyo waxa dhacda in tobon sano ama ka badan ay cidlo wareegayaan yagon haysan wax nabad galya maalinkastana dawlad baryaaya oo leh aqoonsi na sii dawladuna ugu jawaabayso faro ayaad ledahay …runtii waxay soo maraan marxalado aad u adag.
Waxa ayaan dara yadoo dhibta intaa leeg ay jirto ,, marka loo sheego dadkeenii joogay dhulkii hooyo inaanay aaminayn ama aanay rumaysanayn hadalkaas ilaa ay yaguna soo dhadhamiyaan dhibaatada manta ma haysano dawlad adag oo ka joojisa dadkeena badaha ku daadanaya balse waxaynu haysanaa shicib awood uleh waxkasta inay joojiyan marka shicibka somaliyeed waxan leyahay hiil baynu ubaahanahy aynu isku hiilino oo dhalinteena badaha ku daadanaysa haloo hiiliyo oo halaga qabto hana laga badbaadiyo inta la awoodo dhaqale kaliya laguma badbaadin karo waxkasta waad ku badbaadin kartaa oo ay ugu horayso wacyi galin in la sameeyo umadeena aqonta leh ama qoraayada ,,
waxan ka codsanayaa inay awooda saraan inay ka wacyi galiyaan umadeena ku dhamaatay badaha aduunka ,,,,,walahay hadaynaan ka qaban oo ka hortagin maalin dhaw waxaynu waayi doona somali wax la yidhaah wadankena nimcaysana waxa qabsan doonta gaalo iyo dad aan dan inaga la hayn waxan marar badan idinku bararujinaya dhalinta waayeelka aqoonyahanka qoraayada iyo cid kasta oo ka damqanaysa dhibta tahriiibku leeyahy inay ka dagaalamaan,, dhibaatada tahriibta inta awoodooda ah waxan ku soo gabagabaynayaa maqalkayga aynu uhiilino umadeena somaliyeed ee badaha ku dhamatay waa qaybtii koobaad ee maqalka HIILBAAN UBAAHNAHAY ,,,,,aaad baan idin wada salamayaa marlabaad …..waxaan jecelahay inaan aqoontayda gaaban idinka la qayb qaato fikirkaygana idinku soo gudbiyo maqaalo gaagaban inta aan awoodo waxana iga balana inaan wadi doono inta aan wakhti u helayaba maalin wacan

by:Qalinkii Qali Dumar