(JAHWAREERKA SIYAASADA WAQTIGA DOORASHADA & DHAGATAAGA SHACABKA)

maqaal

  (JAHWAREERKA SIYAASADA WAQTIGA DOORASHADA & DHAGATAAGA SHACABKA)


sidaynu maqalno ama aynu ka daawano telefishinada waxaa beryahan dhegaha shacabka kusoo duul duulaya eedayn iyo is canbarayn ay isku tuurtuurayaan labada xisbi mucaarad iyo xukuumada.
waxaynu kaloo ogsoonahay inay soo dhawdahay waqtigii doorashada.
hadaba su’aalaha la is waydinayaa waxay tahay xukuumadu waatan leh doorashada way dhacaysaye mucaaradow u diyaar garooba doorashada iyo mucaaradkoo leh doorashada dib ayay doonayaan inay u ridaan xukuumada oo mudo kordhin ayay donayaan?

maxay ka fahmi karaan shacabka hadaladan isa saaran meel loo qatana aanan lahayn shacabka se maxay ka yiraahdeen?
hadaynu falaqayno xukuumada waxay aamin santahay inay wax qabad muuqda muujisay tahayna haday doorasho gasho inay sidii barigii 2010 si ka wanaagsan ay ugu guulaysan doonto doorashada. iyo mucaaradka oo leh si aynu isu nacsiino xukuumada iyo shacabka dhegaha shacabka aynu ku badino xukuumada kalsooni shacab mahaysatee mudo kordhin ayay doonayaan waxaynu maqalnaa mucaaradkoo leh sharcigii doorasha in kamid ah wali lama ansixin.

waxay is waydinayaan gudomiyaha barlamanka waa gudoomiyaha xisbi mucaradka wadani ahna musharax dhabta ah ee wadani waxuuna diyaar u yahay inuu ka qayb galo doorashada rajaynayaana inuu ku gulaysto hadaba miyaysan ahayn inuu waxii ku xiran sharciga ee golihiisa ah uu dadajiyo,
wali lama fahmin ula jeedada is canbaraynta iyo is eedaynta halkay ku qotonto.

anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxaan usoo jeedinayaa shacabka waynu aragnaa hadalada qaawan ee la is waydaarsanayo waa inaynaan u hanqal taagin siyaasi ula jeeda leh aynu ka wardhawrnaa waqtiga doorashada, aynu noqono kuwa horumarka ka shaqeeya iska ilaaliya caqabadaha horumarka, shacabkana waa dhisaha dowlad nimo.
xukuumada waxay sumcadeeda ku jirtaa inay doorasho qabato mucaaradkana isku dayaan inay ku qanciyaan qorsha doorada,