Jawaab: Wasiir ku sheega xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud Jibriil, ma gilgilo duqeytida nin kii aw ka soo go’aye Abdi Mustafe

In kastoo garoomiye alfaan garab ku taag leeyo
Guda baas mid laga keenay oo garaca mooyaane
Ma gilgilo duqeytida nin kii aw ka soo go’aye
MAQAAL
 
Cali Xaamud Jibriil haduu dhalad asala yahay suldaamo iyo odey dhaqameed marnaba afkiisa kuma taageen.
Markii lala yaabay ee la isa sii weydiiyey waxa soo baxday in Cali Xaamud Jibriil aannu asal ahaan heybtiisa runta ah aannu aqoon ilaa maalin kaa maanta ah ee uu yahay Guda baas mid laga keenay. Dhaqan uuma laha dadka nasabka ihi inay suldaamo warbaahinta wax u soo mariyaan horena looma arag. Cali oo ah nin kola xil laga qaado kola lagu buuxiyo xafiis madhan oo lagu sheego xidhiidhka golayaasha oo aan wax jiraba ahayn hawlna aan dalka u hayan miisaaniyad na aan lahayn ayaa markuu camal uu qabto waayay si uu u soo caan baxo isku duubay salaadiin ka soo jeeda gobalka togdheer oo shir si heer sare ah loo soo abaabulay la lahaa dhigooda salaadiinta reer Awdal. Cali ciladiisu waxay soo baxday oo hada uun baa la ogaaday in nasab kiisa wax ka qaldan yiin. Cali sida dubjirka ayuu u hadlaa dhaqan xumo iyo raga nimo daro ayaa isugu darsamay.
Cali Xaamud Jibriil waxaan u sheegayaa in ay jiraan Salaadiin aan lala ciyaarini. Haduu afkiisa heysan waayana uu in badan murogoon doono.
Cali beesha uu sheegtana sharaf kuma dhex laha kuwii kalena aflagaado ayuu gaadh siinayaa.Cali iyo wasiirka boosaha iyo wasiirka beeraha markii reer Awdal iska soo eryeen ee ay u sheegeen in ay ku kalsoonyiin salaadiinta reer Awdal ee aanay wasiiro waxba ka dhegeysanayn ayuu cahdadii isku qaaday salaaniin aannu waxba ku samayn karin oo weliba iyagu haday is yidhaahdaan ka cad goosta aannu Hargiesa dhex mari karin. Cali e’y ciyey kama duwanayn markuu salaadiin soo hadal qaaday ama dameer danaaniyey. Cali nin liitow warkuba ha kala cadaadee bal ku celi waxaad tidhi dabadeed aynnu eegno halkaad ku danbayso e.