Ka biyo diidkii ururada mucaaridka Somaliland ee diiwaangalinta madaniga ah!!!!!!!!!!!!!!

 

Ka biyo diidkii ururada mucaaridka Somaliland ee diiwaangalinta madaniga ah!!!!!!!!!!!!!!Waa maxay sabbabta dawlada Somaliland uga cagajiidayso in ay ogolaato in ay ka dayso iskuxidhka diiwaangalinta madaaniga ah iyo diiwaangalinya dadka xaqa u leh inay coddkooda bixiyaa?

Labada Xisbi ee mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku dhawaaqay inay si wadajir ah u go’aansadeen inay qaaddacaan diiwaangelinta madaniga ah ee todobaadkan dowladda Somaliland shaacisay inay ka bilaabaneyso dhammaan deegaanada iyo gobaladda Somaliland.

Labadan xisbi ayaa doonaya in aanan la iskuxidhin diiwaangalinta madaniga ah iyo diiwaangalinta dadka xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan iyo iyaga oo doonaya in tafaasiir dheeraad ah laga siiyo shariikadaha kontaraagyada lagu siiyay in ay keenaan agabka diiwaangalinta lagu qabanayo .Haddaba go’aanka ay gaareen labadaasi xisbi ayaa waa mid ay ku dhaleecanayaan  xukuumada Somaliland oo iyadu cimridherer kadhiganaysa inay dhacaan iska horimaadyo kalifa in doorashooyinka dib loo dhigo  oo ay ka soobixikarto in ay qulqulado kadhashaan.

Waxaa iyana ka hadashay arintan haweenay ka tirsan shaqaalalah wasaarada arimaha dibada ee Briton oo ka midah guddida  deeqbixiyayaasha reer galbeedka oo iyagu maal galiya doorashooyinka Somaliland. Haweenaydaasi  waxay tidhi  go’aanka axsaabta mucaaradku ku qaaddaceen diiwaangelinta Madaniga waxay  ku tilmaantay inuu dib-u-dhac ku keenayo Doorashooyinka, balse dawlada looga baahan yahay in ay soo jeediso arimo ay axsaabta mucaaradka ah ku qanciyo isla markaana la tuso kalsoonida shirkadda Qandaraaska lagu siiyey Agabka diiwaangelinta.,

Siwalbaba ha’ahaatee waxaa laga filayaa xukuumada in ay ilaaliso nabadgalyada iyo xasiloonida qaranbka Somaliland, kuna fikirto in ay ka feejignaato inay abuurto khalkhal ka yimaada talaabooyinka ay qaadayso, ogaatona in caalamku sigooniah isha ugu hayo sida ay u maamsho doorashooyinka fooda inagu soohaya, kuwaasoo hadii ay carqalad kutimaado keenikara kalsoonidaro ku timaada geedi socodkii dimuquraadiyada Somaliland higsanaynay.

M  A  H  A  D  S  A  N  I  D  I  N

By: Abdirahman Ismail ( Buuni )