Ka dambeeye dilkii Axmed godane. W/Q: Baxnaan Xaaji Aadan

Ka dambeeye dilkii Axmed godane. W/Q: Baxnaan Xaaji Aadan

baxDhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane:Ka dambeeye dilkii Axmed Godane .

Dhaashane:Waar yaad sheegaysaa?

Dhaqane:Bal maxay bedeleen?Axmed Cabdi bay dileen Axmed cumar baa qabsaday .Abu zubayr bay dileen Abu cubaydaa qabsaday .

Dhaashane:Waar adeerow khayr hele yaad la hadlaysaa imika?

Dhaqane:Adigu maxaad ka diday?Anagu ma telefoon dansan baanu sidanaa?

Dhaashane:Waxa la yidhi:Ninka Khamiista waalanayaa Arbacaduu soo xaydxaytaa.Waar diiwaan gelintii madaniga aheyd ma la bilaabay? Waxaa kale iga daayoo.

Dhaqane:Guddi baa loo saaraan maqlay.

Dhaashane:Ala dacaayad xumaa .Waar horta ma in aan lagu fahmayn baad u haysataa?

Dhaqane:Wasiir Waran cade intuu leeyey ,dal dhan baan hada diiwaan gelinayaa bal libaaxyadaadu waa imisa dheh?Waar adeerow xafladihiinaa iska wata.Taasaa ku fiicantiine.

Dhaashane:Waar xaflad lahaane ,xinyahow yuururaa dadka maallin uunbaa wax loo qiraa.

Dhaqane:Waar heedhe waxa la yidhi:Mid reer Kulmiye ah oo masjid ka eedaami jirayayaa Maareeye laga dhigay .Maraykankaa lix bilood oo kooras ah loogu diray .Si uu wax u soo barto.Show ninkuba wuxuu is yidhi dhakhso u ilbax oo wuxuu soo bartay biyaha gaalada.Wadankii ayuu ku soo noqday kiiyo muraayad madow xidhan labana soo muudsaday.waxaa la soo hor mariyey masjidkii uu ka eedaami jiray .Intuu sidaa u eegay ayuu yidhi:Gudaweyne muxuu dad habsaamiyey.

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden
Sweden