KAADHKII UGU HOREEYAY EE MUWAADINKA EE MADAXWAYNUHU QAATAY OO MADMADAW KA SOO BAXAY BY FAISAL FARAFIDIYE

Faysal
 

Waxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta xorta ah iyo akhristayaasha sharafta leh waxaanaan ku salamayaa salaanta Islamka ee ASALAMU CALAYKUM.

Waxaynu ogsoonahay in aduunyada hore u martay qaadashada dhalashad aad iyo aad  culays loo saaro in si saxah qofku ugu run sheego warbixintiisa taas oo qodobka keliyaha ama ugu muhiimsan kala noqoshada dhalashada ay tahay haddii aanu ka run sheegin  war bixintiisa nolashiisii hore ama  madmadaw soo galo sida wakhtiga dhalashadiisa, meesha uu dhashay iwm.
Heshiiskii Xisbiyada qaranku la galeen xukumada ayaa iyana tilmaamayay in la sugo warbixinta muwaadika kaadhka muwaadinimadan lagu xuso warsugan.
Waxaa dhacday in maanta la bilaabay bixinta Kaadhka muwaadinka oo uu bilaabay Madaxwaynaha qaranka mudane A,M,Siilanyo si tusaale ugu noqdo shacbi waynaha Somaliland, laakin waxaa nasiib darro ah oo dhacday kaadhka kowaad ee madaxwaynuhu qaatay in madmadaw badani ka soo baxay oo goortay uu madaxwaynuhu dhashay iyo goobta uu ku dhashay ay khilaafsanyihiin war bixintiisi hore ee sida CV GA MADXWAYUHU QORAY MARARKII UU TARTAMAYA DOORASHOOYINKA IYO KAADHKII CODBIXINTA EE DOORASHADII 2010 KII.
CV ga madaxwaynaha iyo kaadhka doorshada ee 2010 waxaa ku qoran in uu madaxwaynuhu dhashay 1936 kuna dhashay tuulada yayle  ee gobolka Sool.
Kaadhkan muwaadinka ee uu madaxwaynuhu maanta qaatayna waxaa ku qoran inuu madaxwaynuh dhashay 1942 kuna dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
XEER 14 OO AH XEERKA DOORSHOOYINKUNA WUXUU DHIGAYAA IN LA SUGO WARBIXINTA MUWAADINKA CODAYNAYA OO AY AHAATO WAX SUGAN.
Haddaba akhristow waxaa iswaydin mudan Xukumada warbixintii Madaxwaynaha qaranka sugi kariwayday sidee bay ku sugaysaa warbixinta muwaadininta Somaliland ee 4 milyan kor u dhaaftay?
walaaleheen koonfurta ayaa ku maah maaha ABKAY DOOLI DILE MIYAA DAD NOOL U DAAHA 
 
Waxaan qabaa in kooxda Madaxtooyada iyo Madaxwaynaha isku xeertay ee malin kastaba khaladka iyo denbiga ka gasha Madaxwaynaha iyo qarankan haddii aan laga qabnin inaynu ceeb iyo fadeexd u joog noqonayno, arinahaas iyo qaar kale oo badan oo soo socdaa waa wixii ay ka qaylinayeen Xisbiyada Mucaaridka ahi ee meeye inamadii is xiijinayay ee lahaa Xisbiyada mucaaridka ah baa diidan dalkan horumarkiisa, ma taas bay noqotay horumarka ay sheegayeen waa ayaan darro in maanta laga soo gudbiyo warar is khilaafsan madaxwaynihii qaranka oo ah astaantan kowaad ee qaranka.
 
Waxaan ku talinayaa in arintan kaadhka muwaadinka oo dalka iyo dadkaba muhimad u leh laga foojignaado oo aan lagu halayn kooxdan aqoontoodii sidaas noqtay oo tallo kale laga gaadho si aananynu u qasaarin oo inaka oo dhaqaale iyo hawl balaadhanin inaga gashay haddan aanay arinkeenu noqonin biyo col dhaanshay waanaan hubaa haddii loo daayo kooxdan aan arko in la khasaarayo
 
ALLA MAHAD LEH
 
Fasial Farafidiye
Waddaniga Dhabta ah

Â