Kalsoonida iyo Quluubtii Shacbiga ma lagu iibsan karaa in yar oo ku laaluush ah? taas oo weliba ah Hantida ummada baahan wax loogu qaban lahaa! Q2AAD

Kalsoonida iyo  Quluubtii Shacbiga ma lagu iibsan karaa in yar oo ku laaluush ah?  taas oo weliba ah  Hantida ummada baahan wax loogu qaban lahaa!  Q2AAD

Q2aad

MAQAAL

Hadaba, akhristow , muwaadinow  maanta meel xun ayey mareysaa Xukuumadii Siilaanyo ee shacabku doorteen ee ay dirteen ee  ay maganta iyo miciinka moodayeen. Waxaana  taa ka sii daran in ay maanta Xukuumadu ay lacag ku bixinayso warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo tii lawada lahaa ee loo sinaa mucaarid iyo muxaafidba si ay wax uga sheegaan oo uceebeeyaan haldoorka Somaliland iyo madaxada Asxaaabta mucaaridka ah sida  jariidada afka dowlada ku hadasha ee Dawan iyo Tv Qaranka, websiteyada kala duwan ee iyaga loo sameystey  xiqdiga, xajiinta, beenta iyo isku dirka ay dowaladu soo shidaaliso sida websitayda, caynabnews, burocononline oo  hadii aad akhiriso  aad layaabayso aflagaada iyo cayda ka soo burqanaaysa warbahiintooda.

 Boobka  qaawan ee hanitdii yareyd ee   ummaddu laheyd  bal u fiirsada Mr Xirisi gaab ( Wasiiraka Madaxtooyada ) wuxuu toos uu  maamulaa lacagaha  kasoo baxa Dekadda, Haamaha shidaalka, cashuuraha wadooyinka, ( Road tax) dakhliga 2% ka ee Gobolada Bariga loogu talo galey in lagu horemariyo  iyo lacaga  deeqbixiya yaashu ugu deeqaan horumarinta wadooyinkeena ee ku dhacda Hayada Wadooyinka Somaliland ee uu madaxtooyada la huluushey lacgahaas oo badhna la lunsado badhna lagu kharash gareeyo qeybi oo xukun iyo sidii loo heli lahaa afkumacaashe iyo wajiku macaashe   ggulwade ah oo xajiin kula dhex wareega bulshada  si ay kala qaybin iyo kala  shaki siin ay bulshada ugu dhex-abuuraan.  Xukuumada Siilaanyo waxay  miciin moodey oo UK uga yeeratay afku-macaashlayaasha reer London oo toodiiba cusleysey  sida ( Talaabo, Qabbo, Adifitaax) oo aan  wadankan ay joogaan weligood  shaqo nadiifa ka qaban oo ku saaqidey, maadaama ay dilaaliin u ahaayeen  XUKUUMADII  hore ee xisibiga UDUB , maantana u soo tafaxeetay in ay suufkii qalalnaa ee ay ku caanka baxeen ay darsadaan xukuumada nugul ee Siilaanyo. Waase la arki doonaa waxay u gooyaan ee gudaan xukumada sii dhaceysa.

Muwaadinow, bal u fiirsada, wasiirka duulista hawada, ee ay deeqi weydey lacagtii kuweit bixisey ee uu kula sheer garoobey inaadeerkii Cumaani ee hadana kiishka dheer u soo toshey in uu ka buuxsado oo lunsado  lacag dheeraad ah oo uu uga gurto fise bilaa sharci ah dadka AIRPORKA ka dhoofaaya ama ka soo degaaya. lacagtaa oo aanu baarlamaanku ansixin waxay dhantahay  45$ x per person x 1000 per month x 12 months= u dhiganta $ 540,000 oo dolara sanadkii. Waxaad kaloo aad u fiirstaa hadalkii ka soo  yeedhay wasiirka macadanata ee ahaa in ayna sharciga ku oolin in ay dowladu keento barlamaanka hishiisyada caalimigaha ee dowlada la gelayso shirkadaha shisheeyaha ah. Taasi oo deelqaaf iyo gef ku ah  dastuurka  iyo  baarlamaanka  “QODOBKA  53AAD AWOODDA IYO WAAJIBAADKA  GOLAHA WAKIILADA Numberka 3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka beddelid qaanuun.” Ref: Somaliland Constitution [1997).

iyo guud ahaan dadwaynaha Somaliland oo iyagu mudnaanta koowaad leh mar kasta.

Muwadinow , Silaanyo waxaa uu ku  doodi jiray in dowladaii Rayaale ay iibsato hantida maguuraanka aheyd ee dalka  iyo musqmaasuq baahsan oo uu ku balan qaadey in ay  wax ka qaban doonaan hadii ay guulaystaan. Waxaa  cad in ay taasi  ahayd  oo qudha afka baarkiisa iyo mar un maan fuulo  kursiga laakiinse kalsoonida shacabaka ma lagu heli karaa been iyo balan fur  joogto ah oo awr ku kacsi ah , Jawaabtu waa maya

Mahada Alllah iska leh

Hassan Ahmed

Student at LLB Greenwich University

London UK

 

Kalsooni Shacbi ma lagu helaa Qaybinta Hantida Umadda  
Q1aad
Waxaan  Halkan  salaam sharaf badan ugu dirayaa dhamaan Warbaahinta madaxa banaan gudaha iyo debadda ee Somaaliland.
Muddo hataan laga joogo afar sano iyo badh ayaa dadwaynaha Somaliland ay doorteen hogaanka Xukuumada Somaliland, iyada oo ay markaaba ay u cadaayeen dadka indheer garadka ah in aanay waxa isbadal ah oo horumar ah  ka wanaagsan aanay soo waddin xisbiga Kulmiye, hadafka Xisbiga Kulmiya waxaa assal u ahaa uu kaliya mar un maan dalka qabsado, taasi oo ay  dad badan ay kaga hadleen uu ka mid ahaa Madaxawaynihiin  Somaliland ee Daahir Rayaale Kaahin “ Kulmiye waxa uu doonayaa in uu aarsado  oo waxa uu qabaa ciil gaamuray”  hase yeeshee dadwaynaha waxa ay filiyeen  isbadal dhab ah ka duwan tan manta ay samaynayaa Xukuumada Siilaanyo.
Dhaqan xumadda ay xukuumadan ka abuurtay wadanka intii ay hasyteen waxaa ka mid ah in ay ku bixiyaan hantida ummadda laaluush joogta ah, iyaga oo adeegsanayaa waji kumacaash, afkumuacaash iyo guulwadayaal  aan diin iyo iiman toona lahayn. Waxaa taasi tusaale kuugu filan  majiro nin waxgarad ah oo taageeraya Dowlada ilaa in uu helo wax yar uu ku baddasho mooyane..
Burburinta  qiyamkii dowladnimo ay burburiyeen Xukuumadan intii ay jiratay iyaga oo soo saaray hal qabsiyo iyo weedho runtii ay dad badani ay layaabeen  waxaa ka mid in qofka mucaarado lagu dayo in lagu laaluusho hantida ummada ama laga siiyo boos xaga dowlada ah.  Maxaan cunaa aan hadlee aan been abuuree waxqabadka xukuumada taasi ayaa ka dilaacaday madaxtooyada waddanka.
Muwadinow, markii ay guulwadaynta ay gaadhay dhamaan xuduududha Somaliland ayaa waxaa dhacay in xitaa ay u soo gudubto dhinca Qurbaha  oo aad arkayso dad lagu tuhunsanaa in ay indhaha ka qarsadaan ceebta qaawan ka socota wadanka hooyo,  waxaa dhacady in qofkii wax qora ama hadla lagu baadi goobo  hantida ummada si loogu laaluushu si uu wax u qorin ama uu hadlin.
Xoojinta afkumacaashka iyo waji kumacaashka waxaa xoojinaya marka ay suuqa dowalda ay noqoto in lagu kala iibsado doolar, ayaa hebel u jawaabi kara oo xukuumada ka celinayaa,  waxaad arkaysaa oo margmadoonta ah  marka ay asxaabta mucaaradka iyo indheergaratada Somaliland ay soo bandhigaan cadaymaha gefka ah ay luguha kula jirto Xukuumadan ayaa waxaa soo horbooday dar koox ah ku luqaynaya waxa ay soo liqeen iyaga oo aan gabasho iyo diin toona aan ka xishoon. 
Hadaba, akhristow in lagu bixiyaa hantida ummada laaluush iyo wax iga celi ma lagu kasban karaa quluubta dadka shacabka Somaliland?   Lasso co.
l
Xassan Ahmed
LLB ( Student third at Greenwich )
London UK
Hassankaid4@gmail.com

Hassankaid4@gmail.com