KHILAAFKII CIDA HOGAAMINAYSA DAWLADA SOMALIYA EE MADAXWEYNAHA IYO R/WASAARAHA OO AY U MUUQATO IN UU KU SOO AFMEERAY, IN DALKA R/WASAARUHU HOGAANSHO.

maqaal

Marka waxaan salaamayaa dhamaan umadda somaliyeed ee gudo debedba, ee jecel nabada, horumarka iyo xasiloonida geeska afrika, ka dib waxaan jeclahay in aan wax yar ka taabto, khilaafkii iyo murankii u dhaxayn jirey Madaxweynaha iyo R/wasaaraha somaliya, ee ku saabsanaan jirey cida xaq u leh in uu hago hogaanka dawlada, oo isagu go’aanka kama dabeysta ah leeyahay, ee ciduu doonana xil siin karta ciduu doonana xilka ka qaadikarta, ay u muuqato in uu soo gunaanadmay oo ay ku dhamaatay in dalka uu R/wasaaruhu hogaansho, Madaxweynuhuna yahay hogaan sharafeed. bal hadaba aan dib ugu noqono waxyaalaha, ama sababaha fududeeyey in uu R/wasaaruhu ka maroosado, una hadho hogaamintii xukuumada, iyo dawlada.

 

  Madaxweynaha somaliya maalintii uu iclaanshey cida uu u magacaabay jagada R/wasaaraha cusub ee uu u doortay dalka, ayaa masuulkan la shaaciyey wakhtigaa  ku sugnaa dalka debediisa, markii uu ogaaday in uu isagu ku guuleystay jagadaas, ayaa waxa uu bilaabay in uu u soo xadhkaxidho dalka, hadaba markuu soo bilaabay safarkiisii dheeraa waxa uu ku leexday magaalada newyork oo uu kula soo kulmay R/wasaarihii hore ee Farmaajo, oo ay wada tashi aad u dheer soo wadagaleen, isla markuu soo gaadhay muqdishona, isaga oo aan wali jagadii gudoomin, loona dhaarin, ayaa waxuu toos u aaday gurigii R/wasaarihii ka horeeyey, ee jagada laga qaday, oo ay isagana wadatashi aad u balaadhan yeesheen, isla markii uu maktabkiisii fadhiistay waxa uu si badheedh ah u sheegay in aanu golihiisa wasiirada cusub ku soo dari doonin wasiiradii xukuumadii ka horeysey, taas oo ay cadayd in aanu diideyn dhamaan masuuliyiintii hore, ee arinku ku socdo qaar ka mida ah oo ay aad iskugu dhawaayeen madaxweynaha, talo ay ka midaysan yihiin ragii ay soo kulmeena, oo loo soo xambaarshayna ahayd, kuna qotontay in aan waxba u hagaagayn hadaanu kuwaas debeda dhigin. taas oo ay dheerayd in qaar uu madaxweynuhu ka diiday, oo uu ku adkeeyey in uu liiska ku daro uu ka reebay minidadii ugu dambeeyey ee uu ku dhawaaqaayey wasiirada, isga oo xataa la socodsiin, kuna war celin madaxwynaha. waxa la odhan karaa maalintaas ayey madaxweynaha tabcadii ugu horesay ku dhacday, waxa ku xigtay in masuuliyiintii afrikaanka ahayd, sida xooga leh uga soo shaqeeyey nabadayntii somaliya, oo ay ugu horeeyeen wakiilkii qaramada midoobay iyo sarkaalkii ugu sareeyey unisomka, waxaana lagu soo bedelay qaar cadaan ah iyo sarkaal ciidanka unisom ah oo talyaani ah, R/wasaaruhu wuxuu markiiba bilaabay in uu taxaaluf la galo madaxdii cubayd, waxay bilaabeen in qoraalo ay ka diraan Madaxweynaha iyagoo ku andacoonaaya in ay isaga qaar ka mid ah wasiiradii hore lacag leexsadeen, oo ay ku shubteen account labaad, oo ka furteen dubey, taas oo khubarada ku xeel dheer dhaqaaluhu cadeeyeen in Madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu furo laba iyo sadex accountba, maadaama lacagaha qaar hayaduhu ku bixiyaan mashaariic gaar ah, oo marka danbe laga xisaabinaayo in uu ku fuliyey, qaarna dawladuhu si toos ah ugu caawiyaan oo qaybo ka mid ihi ku baxaan meelo sir u ah dawlada, sida sirdoonka, milateriga iyo hayadaha amniga, oo waajib ay tahay in aanay cidna u sharixin meesha ay ku baxeen, waxay ogaayeen in aanu Madaxweynuhu lahayn khubaro ama aqoonyahano u daacad ah oo kala talisa xaga siyaasada, dhaqaalaha, iwm, Madaxweynihii hore ee Sheikh Sharif ayaa ka diiday wakiilada loo soo diray somaliya iyo dawladah waaweynba inay fara geshaan sida uu u maamulayo dawladiisa, oo la ogaa wixii kala qabsaday isaga iyo wasiirkii A/debeda ee Maraykanka ee hore, maalintaa laga soo bilaabo R/wasaaruhu waxa uu ku hawlanaa inuu kala daadsho dadka uu ku tiisan yahay Madaxweynuhu, ilaa uu taliyihii sirdoonka oo ahaa raga ugu muhiimsan ee uu ku tiirsanaa la eryey wiigii hore isaga oo aan waxba lala socodsiin, mardanbena uu ku hababerey.
  Waxa kale oo lagala wareegay taageeradii iyo kalsoonidii dawladaha jaarka ah, sida Etoobiya, Jbouti, Kiiniya, oo maanta si toosa ula safan R/wasaaraha, waxa lays hortaagey labadii dawlad goboleed ee laga dhisaayey midna koonfurta gaalkacayo ilaa moqdisho oo noqonaayey dawlad goboleedka ugu balaadhan somaliya, ta kalena sadexda gobol ee koonfur galbeed iyo shabeele, halka R/wasaaruhu si aan xad lahayn isku garab taagay inay dhisanto, lana aqoonsado dawlad goboleedka jubooyinka ee ka dhisan kismaayo, waayo waxa uu ogyahay in gobolada ay ka kooban yihiin labadaas la dhisaayo ee dawlad goboleed ay ka soo jeedeen wakiiladii ugu badnaa ee u codeeyey madaxweynaha, soona gaadhsiiyey kursisiga, doorashooyinka soo socdana u codayn doona.
  Hadaba maxaa looga baahayahay madaxweynaha, si uu u soo baxo doorashooyinka soo socda ;
_  In sida ugu dhaqsaha badan uu baarlamaanku u ansixiyo xeer hoosaadyo si cad u qeexaaya, qodobka distooriga ah ee odhanaaya in madaxweynuhu yahay hogaanka ugu sareeya ee dalka, maadaama uu isgu soo magacaabaayo R/wasaaraha, oo aanu ku iman doorasho, sidoo kale xaq u leeyahay in uu soo magacaabo dhamaan golaha xukuumada oo dhan, R/wasaaruhuna la tashi ku lee yahay oo qudha, (sida madaxweynaha faransiiska iwm).
_  In labadaas dawlad goboleed sida ugu dhaqsaha badan loo hirgeliyo ee uu codadka ugu badan ka helidoono.
_  In sida ugu dhaqsaha badan uu kalsoonidii iyo wada shaqayntii dawladaha jaarka soo cesho.
_ In uu wada hadaladii u socday iyaga iyo somaliland sii wado, ixtiraamona midnimada iyo nabada, oo aanu marnaba isku dayin in uu daalo ku taageero qaybo ka mid ah, oo sababi kara colaado hor leh oo ka soo cusboonaada geeska, isla markaana cashar ka qaato doorashooyinkii wiig ka hor ka qabsoomay scotland, oo haday ku codayn lahaayeen maya, qasab ay ku ahayd ingiriiska oo ka mid ah dawladaha ugu weyn aduunka in uu aqbalo, waa waaqiciga dhabta ah ee ka jira dunida maanta, isla markaana adkeeyo wadashaqayntii xaga amniga iyo dhaqaalaha ee ka soo dhaxeeyey somaliland, bedaalka iska horimaad aan cidna faaiido u soo wadin.
_ In uu si cad iskaga caabiyo hadii ay wakiilada caalamku faraha la soo galaan arimaha hoose ee dawlada iyo dalka.
_ in ciidamada UNISOM iyo saraakiishooduba hoos tagaan midaw afrika siday awalba ahaayeen ee ay sida daacada ah ula shaqayn jireen, kaalinta muga lehna uga qaateen nabad soo celintii.
  Q O R E   ;    CABDI CARRALE.
slander2013@hotmail.com