Laba wasiir oo olole weyn uugu jira musharaxa nimada madaxweyne, sirta ay ogyiin maxay tahay by Abdi Mustafe

MAQAAL
Waxa labadii bilood ee uugu danbeeyey jirtey loolan hoose oo ka dhexeeye laba wasiir oo olele uugu jira musharxa nimada xisbiga Kulmiye ee doorashada 2015 iyagoo ku qanacsan in aan Silaanyo tartami karin awood diisuna sii daciifeyso, shicibkuna la fahmay oo aanay ka aqabali doonin in uu wadanka aamus iyo jiif iyo fadhi ku xukumo. Labadaa Wasiir oo mid waliba samaystay koox wasiira ah oo isaga taabacsan ayaa olele xoogan oo qarsoodi ah ka dhex wada gola yaal fara badan iyo beelo dhex dooda ah.
Labadaa wasiir oo kala ah wasiirka maaliyada Samaale iyo wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi. Waxa ay xaqiijinayaan taageera yaasha tirada yar ee kulmiye in ay is daalinayaan labadan wasiir iyo Silaanyo ba, oo aan cod madaxweyne lagu noqdo aan midna ka helayn xisbigii Kulmiye la odhan jiray oo dhawaan saaxada siyaasada uu Silaanyo ka saaray markuu u arkay weel uu isagu samaystay in uu yahay oon cid kale istic maali karin. Waxa se laga dhur sugayaa waxay ka yeelaan Silaanyo iyo qoys kiisu oo arinkan labadan wasiir wadaan indhaha ku haya dhanka kala la socda xaalada caafimaad ee isa sii dhimaysa ee madaxweynaha. Isku soo xoori oo midi waa biyo kama dhibcaan in aan Silaanyo tartami kareyn oo aannu itaalkii iyo xoogii uu lahaan jiray aannu lahayn mid kalena waa hubaal in marwo Amina Weris ay ku mashquulsantay sidii ay Silaanyo oo caafimaad kiisu maalin ba maalinta ka danbeysa ka sii darayo ay hadana kursiga uugu sii fadhiyi lahaayeen oo ah arin aan caqliga geleyn bal se ay iyadu isku dayeyso shicibkuna aad u fahan sanyay oo la isu khuurinayo oo aanay fogayn marka dadweynuhu diidi doonaan xukunka oo ku wareega xaaska Silaanyo iyo koox dumara.

Abdi Mustafe abdi_mustafe123@yahoo.com