Ma Dhabbaa In Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Isku Khilaafeen Diwaangalinta Madaniga Ah?

 

silaanyoHargaysa-(SM):-Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegayaa in uu mar Saddexaad khilaaf ka dhex curtay, khilaafkan ayaa waxay Wararku tibaaxayaan inuu salka ku hayo Maamulka Xisbiga Iyo labada Masuul oo kukala fikir duwan, Diwaangalinta Buuqa badan dhalisay.
Khilaafka ayaa waxa uu soo shaac baxay ka dib markii Muuse biixi ka biyo diiday Casuumad loo fidiyay inuu ka soo qaybgalo Xaflad ay ku Qalin jabinayeen Ardayda Jaamacada ADMAS, taas oo uu Gudoomiye Muuse Biixi ka cudur daaray ka soo qaybgalkeeda , waxaana la rumaysan yahay in diidmada Muuse Biixi ee Xafladaasi ay Sabab u ahayd Muuse oo diidanaa in isaga iyo Madaxweynuhu ay kawada Qaybgalaan Xafladaasi, khilaaf ka dhex taagan awgii, dhinca kale Gudoomiye Muuse Biixi ayaa dhambaal Hambalyo ah Warbaahintau mariyay Ardayda Qalin jabisay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaan la dhacsanayn sida ay Xukuumadu u doonayso inay u qabato Diwaangalinta Madaniga ah, taas banaanka u soo saartay sida aanu Muuse Biixi qayb uga ahayn ololaha ay Xukuumadu ku doonayso inay samayso Diwaangalinta Madaniga ah, oo ay Xukuumadu ku kali tahay, halka Hogaanka Xisbigu gabi ahaanba aanay Xukuumada kula socon Hirgalinta Diwaangalinta Madaniga ah.
Maaha markii ugu horeysay ee khilaaf ka dhex qarxo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, khilaafkan oo soo jiitay islamarkaana aan dhamaad lahayn, ayaa waxa uu u muuqaa in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye, in ay iyagu isku noqdeen Mucaarid midba midka kale iska ilaaliyo.

Salaanmedia/Hargaysa