MaayarKa Caasimadda Hargaysa Oo Sheegay Inay Dawladda Hoose Gabi Ahaanba Xidhay Bixinta Dhulka.

image

(SM-Hargaysa) Maayarka Caasimadda Hargaysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta si furan ula kulmay dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargaysa, si uu cabashadooda u dhagaysto, Maayarka oo todobaadkiiba hal mar la kulma dadweynaha sidoo kale ku casuuma saxaafadda, wuxuu xarunta dawladda hoose kulan kula qaatay dadweyne tirobadan oo qabay cabashooyin kala duwan. Maayarka oo kulankaas kadib Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixyay waxyaabihii uga soo baxay dadweynaha waxaana hadaladiisi kamid ahaa.

 

“Sidaad maanta arkayseen waxaanu dhagaysanay cabashooyinka dadweynaha iyadoo saxaafaduna goob joog ka ahayd, waanad wada arkayseen sida dadka qaar u lunsadaan cashuurta dawladda, iyadoo dhul la kala siistay 20,000$, ay dadku odhanayaan waxaanu ku kala iibsanay 3500$, si loo lunsado cashuurta dawladda oo ah tii wax lagu qaban lahaa, arrintaas waan ka wacyi galinaynaa ummadda.”

Maayarka Caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay dawladda hoose xidhay gabi ahaanba bixinta dhulka, waxaana hadaladiisi kamid ahaa maruu arrintaas ka hadlaayay. “Waxaan dadweynaha u sheegaya in dawladda hoose ay gabi ahaanba xidhay bixinta dhulka, sababtu waxay tahay dawladda hoose ma hayso dhul ku filan, goobaha aanu qorshayno ee beeraha ah ee danta guud aanu ka jarno, waxaanu ugu tallo galnay in laga hirgaliyo adeegyada bulshadu u baahantahay, maanta laga bilaabana dadka sidaa ayaanu ula socod siinaynaa hana ku tallo galaan.”

Salaanmedia/Hargaysa