Maayarka iyo Maayar-kuxigeenkii “Hargeisa” waxay Indho la’aantii ku darsadeen Dhago la’aan !!!

unnamedMaayarka iyo Maayar-kuxigeenkii “Hargeisa” waxay Indho la’aantii ku darsadeen Dhago la’aan !!!

Waxaanu in badan hoga-tusaalayn, hoos iyo sareba ugu sheegnay, dayacnaanta ka muuqata caasimada, xashiishaka buuxdhaafiyey Xaafadaha iyo suuqyada, wadooyinka bohol biyo galeenka noqday, iyo magaaladii bilic xumada saameysay mudadii ay xilka hayeen.

Intaas oo isbarkan markaan mudo waday, ilaa hadda waxa jawaabi ahi, ama wax waxqabad ahi aanay ka soo bixin umaddii dooratayna ay sugayeen,

waxaa maanta wax lala yaabo ah wadada daamurkeedu yaalo labad sano iyo dheeraadka ee lalayahay kabkii iyo fulintii dowlada hoose, waxay ku noqotay naanays aan ka hadhi doonin, dadka deegaanka gaar ahaa xaafadaha “Wadada Saylada” ay wadadaasi marayso waxay ka dhursugayaan ragaas kala xigsanaya dadkey masuulka ka ahayaayeen.

Muwaadin bal u fiirso wadada “Xisbiga” hor marta ilaa “Gol-jano” haddii dowlada hoose awood u heshay oo la wado dhismaheeda, maxaa diiday wadada Suuqa waaheen ilaa Dakada Xoolaha (saylada) maxaa loo kala xigsaday, maxaa kala fadilay, ma kuwanaan muwaadiniin aheyn, ma kuwanaan canshuur bixin, meeye xubnihii golaha deegaanka ee xaafadani miyey ka indho la’yihiin sameynta wadooyinka kale , halka kuwii laga soo doortay aanay tiraba ku jirin

Mudane maayar iyo maayar ku xigeen, marnaba la idinka aqbali kari maayo in aad kab-kab ka bilwodaan oo aad dhaliishii dab dhamis uga dhigtaan wax qabad la’aantiina, ummadu way soo jeedaa, waana ay idinla xisaabtami doonaan, canshuurtooduna ku biximeyso meel cidlo ah.

BAAAQ:-

Waxaan faraiin u diraynayaa Madaxweynaha Qaranka, mudane madaxweyne

1- waxay caasimadii hargeisa u dhowdahaya in xanuuno ka dilaacaan, xashiishka iyo harooyinka wadooyinka ka dilaacay ee biyo galeenka noqday,

2- Masuuliyiintii loo igmada hawlahaasina ilaa hadda waxqabad muuqda umey soo kordhin caasimadii, waxaanay ka idho iyo dhago beeleen cabashada muwaadiniinta ay dhibtay habacsanaanta shaqadooda

3- Mudane madaxweyne waxaa ceeb iyo foolxumo ku ah qarankan in wadad bilicda ee caasimad hargeisa, ee wajiga iyo muraayada u ah dalkeena ay sidaas u ekaato, wadada airport-ku waa halbowlaha caasimada waana ayaan daro in ay dayacnaan intaas le’egi ka muuqato, mudan madaxweyne waxay muwaadiiinta caasimadu kaa codsanayaa in aad kula xisaabtanto kuwii loo xilsaaray shaqadan ay baylihiyeen.

4- Mudane madaxweyne anagoo ah canshuur bixiyaan, qarankanina waajib noogu leeyahay inaanu bixino canshuurta nagu waajibtay, haddan waxaanu xaq u leenahay in aanu helno kaabashii nololeed, haddii canshuur laga qaado muwaadinka oo aan waxba loogu qaban waa uu niyad jabyaa ugu danbeynta waxaa dhici karta in ay kacdoon sababto iyo diidmo canshuureed.

5- Mudane madaxweyne waxaan kaa codsaneynaa si loo hubiyo canshuurtii muwaadinita laga qaaday ee tamashleynta iyo dalxiiska ku baxay, in hanti dhowrka iyo xisaabiyaha qaranku ay hubiyaan canshuurta danyarta, ee lagu tagri falayo halka ay ku maqan tahay

Garaad Mahad Max’ed Abdi
063-4854791
063-3661659