Madaxtooyadii Somaliland 90 jirkay ku Qalqaaliyowday Iyo Heesaha Amaanta Madaxtooyada oo Dabarka goostay.

Madaxtooyadii Somaliland 90 jirkay ku Qalqaaliyowday Iyo Heesaha Amaanta Madaxtooyada oo Dabarka goostay.
unnamed
Marka hore Ummada Somaliland meel kasta oo ay joogto Aslaamu Calaykum. Maaha been iyo dacaayad ciwaanka qoraalkayga, balse waa xaqiiqo qof kasta oo reer somaliland ahi og yahay in qalqaalinimo ay 90 jir ku bilowday madaxtooyadeenii aynu filaynay in ummadda u horseedo dhaqan fiican iyo akhlaaqad suuban. Ummad hogaankeedii sida u qalqaaliyoobayna rajo iyo wanaag ha ka filin in ay inoo horseedan, balse waxa laga dhaxala dhaqan xumo iyo bulshada oo ay u horseedo fidno iyo fasaahad aan la mahadin.
Akhristow, adba waad ogtahay in Madaxtooyadeenu ay sanad kasta dalbato faaniin, abwaano iyo kooxo faneedyo oo lagu bixiyo cashuurta Ummada laga guro sidii saarka uga tumi lahaayeen madaxtooyadeenan dawakhaday ee bilaheedu tirsan yihiin.
Bulshada Somaliland yar iyo weyn waxay og yihiin in 20 fanaan oo london ka yimid ay dul hoganayaan madaxtooyadeena oo london laga soo kiraystay, kharashka ku baxayna ay bixinaysay madaxtooyada, bal is weydii yaa bixiyey ticket ka diyaaradooda? hotelada ay seexanayaan ? baabuurta ay ku dhex tamashleynayaan wadanka?. Waxa kale oo jira in tan iyo xafladii 18 may 2014 ay weli fanaantaasi ay ku sugan yihiin magaalada hargeisa oo ay kharashkooda iyo baasiinkoodba ay bixiso madaxtooyada somaliland.
Waxa intaas dheer in Wasiirka waraafinta somaliland cukuse u dalbday amaanta madaxtooyada kooxda dhaanta ee jig jiga, ee dawlad degaanka somalida ethopia, kuwaas oo iyana macsuumadooda lagu kharash gareynayay hantida Ummada, waxayna dhaanto lagu amaanayo madaxtooyada kaga tumayeen xafladii qurba joogta ee madaxtooyada somaliland soo abaabushay iyo TVga khariban ee afka madaxtooyada looga heeso habeen iyo maalin, oo imika ka liitaba muuqbaahiyaha ku hadal afka wadanka shuuciga ah ee waqooyiga kuuriya.
Waxa kale oo jirtay in maayorka hargeisa oo wakiil u ah madaxtooyadu isna soo kireeyey kooxo canfar iyo somaliba leh oo jabuuti ka yimid oo lacagteenii aynu qashinka in laynagag guro u bixinay lagu sooreyeey.
Akhristow, haddii aad u baahan tahay fasahaadka madaxtooyada aniga oo ku xiijin waad u doonan karta youtube ka ( Wadnaha i dhag leh) , iyo tvga afka madaxtooyada heesaha amaanta ah ee beenta ku dhisan ee midhahooda, laxankooda, iyo muusikadoodba lagu kharash gareeyey cashuurta shacabka masaakiinta ah ee habeen iyo maalin banaanka cidlada ah fadhiya ee aan daryeel cafimaad iyo mid waxbarasho labadba aan helin.

Ugu danbeyntii, Waxa aan u soo jeedinaya Ummada somaliland in ay ka dhiidhido dulmiga iyo xaaranta lagu boobayo cashuurtooda ay u bixiyeen in lagu daryeelo ee sida axmaqnimada ah ay ugu tagrifalayso madaxtooyadan faashilka ahi, waxaana ku boorinayaa in shacabka somaliland ay garab iyo gaashanba u noqdaan xisbiyada mucaaridka ah oo ka shaqeynaya sidii miligihii iyo karaamadii ay madaxtooyadan iyo dalkan barakaysan ee somaliland loo soo celin lahaa.


Allah Mahad leh

Saeed A dualeh
Uk.