Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay xiisadaha Puntland iyo Galmudug udhaxeeya

image

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa ka hadlay arinta ku aadan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu sheegay inay ka noqdeen go’aankii ay ku xanibeen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in markii hore ay mamnuuceen in diyaarad ay kasoo degto Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, balse madaxda maamulka Puntland ay ku adkeysteen in diyaaradaha ay kasoo dagaan Garoonka, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay arin qar iska tuurnimo ah oo hadii go’aanka Galmudug ay kusii adkeesato uu dhibaato ka imaan karo.

Sababaha ay uga noqdeen go’aanka ku saabsan xayiraadii ay Garoonka kusoo rogeen ayaa Madaxweynaha Galmudug wuxuu ku sheegay inay tahay.

1:Maanta oo ay tahay taariiqda 28-09-2014 Maamulka Galmudug wuxuu qaatay ama joojiyay xayiraadii hawada diyaaradaha uu kusoo rogay.

2:Codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo jeedisay gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo codsiga caalamka iyo Hay’adaha caalamka ay naga codsadeen oo aan tixgelinay.

3: Aragtida Galmudug oo ah in Gurmad la gaarsiiyo Dadka ku nool Gobolada dhexe oo aan lagu Marmarsiyoon Galmudug ayaa Garoomadii Xirtay,ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

4:Danaha dadka ku nool Gobolka Mudug oo Galmudug ay uga tureyso dagaalo iyo barakac Gobolka ka biloowda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in arimahaasi iyo arimo kale oo badan ay ujoojiyeen xayiraadii ay saareen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, isaga oo dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka ka codsaday in wafdi xaqiiqo raadin ah loo soo diro Magaalada Gaalkacyo si wadahadal looga galo arinta Garoonka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa sidoo kale sheegay in arinta Puntland halka ay ku socota uu tusaayo caalamka, maadaama maalin waliba Magaalada Gaalkacyo ay soo dhoobeen ciidamo badan, isaga oo ku maah-maahay (Arinta Puntland alamtara waa soo dhaaftay,Orgigaga oohinta ka weyn) ayaa la yiri.

Cabdi qeybdiid, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inuu ka shaqeynaayo hurinta colaado Gobolka Mudug ka dhaca, waxaana uu sheegay in taasi cadeynteeda ay tahay ciidamada faraha badan ee Gaalkacyo ay soo dhoobeen maamulka Puntland.

Qeybdiid ayaa ku eedeeyay Puntland in arimahaan oo dhan ay doonayaan inay ku curyaamiyaan qorshaha dhismaha maamulka Gobolka Mudug iyo Galgaduud.

Hadalka kasoo baxay maanta Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa kusoo aadaayo xilli baaqyo kala duwan loo jeedinaayo madaxda maamulka Galmudug iyo Puntland oo ku aadan qaboojinta xiisadaha ka taagan Garoonka Gaalkacyo.

Salaanmedia/Mogdisho