Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo kulan ka yeeshay xil ka qaadista Sanbaloolshe

image

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu kulan gaar ah uu la yeeshay Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo ay kaga wada hadleen xil ka qaadistii maanta lagu sameeyay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada, isla-markaana uu shir gudoominaayay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa codka kalsoonida loogu qaaday C/laahi Maxamed Cali, iyadoona ay Goluhu kalsoonida kala noqdeen.

Madaxweynaha oo u yeeray Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa uu kulankaan ka dhacay hoyga Madaxweynaha, wuxuuna Madaxweynuhu si weyn kaga soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay Sanbaloolshe.

Madaxweynuhu wuxuu si adag u sheegay inaanay Golaha Wasiiradu awood u lahayn in xil ka qaadis ku sameeyaan Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka, laakiin ay lee yihiin talo soo jeedin ah, in Madaxweynuhu uu xilka ka xayuubiyo Hogaanka Nabad Suggida.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu ku andacooday inaanu Dastuurku qorayn in shir Gole Wasiireed xilka looga xayuubin karo Talisyada Ciidamada Dowladda, iyadoo uu Madaxweynuhu ka digay in qalqal la geliyo xaalada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ku andacoonaaya in xilligaan ay Dowladdiisu dareen xasaasi ah ka qabto, weeraro kaga yimaada mintidiinta Ururka Al Shabaab, xilli ay iminka u fadhiyaan baroorta Amiirkoodii, oo toddobaad ka hor lagu dilay weerar dhinaca cirka ah.

Ilo muhiim ah, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu garowsaday in dib loogu laabto xil ka qaadistii Sanbaloolshe, balse wuxuu codsaday inaan Saxaafada loo gudbin War Saxaafadeed ku aadan in laga laabtay iyo in kale xil ka qaadistii Sanbalooshe.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somaliya, ayaa waxaa la dhihi karaa waxay ku fashilmayn xil ka qaadistii ay Axadii maanta ku sameeyeen Taliyaha Guud ee Hay’adda Nabad Suggida C/laahi Maxamed Cali.

Salaanmedia/Mogdisho