Madaxweynaha Oo Tacsi Udiray Prof Cabdi Haybe Cilmi Oo Maanta Hargeysa Ku Geeriyooday

Siilaanyo

Hargeysa(SM)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Prof. Cabdi Haybe Cilmi oo ku geeriyooday 14/09/2014 Magaalada Hargeysa.
Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaashii ka soo qaybqaatay dhismaha waxbarashada Dalka, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwana ka soo qabtay Jaamacadaha Dalka siiba Jaamacada Hargeysa iyo berbera.
Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay bahda waxbarashada soona saaray ubaxa dalkani ku faanayo ee aqoonta iyo cilmiga u soo bartay dalkooda, waxaanu iftiimiyey madaxweynuhu in uu kaalin muhiima inagaga baxay marxuumku.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda Waxbarashada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
Q
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL