Madaxweynaha Somaliya oo maanta u amba baxay Magaalada New York (Daawo Sawirada)

image

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu maanta u amba baxay Magaalada New York ee Xarunta Wadanka Mareykanka.

Madaxweynaha iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa ka duulay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in dalka Mareykanka uu kaga qaybgalo shir madaxeedka Qaramada Midoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxda Caalamka u jeedin doono khudbad uu kaga hadlaayo arrimaha Somaliya, iyadoo uu ka hadli doono waxqabadka ay la timid Dowladdiisa labadii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha wuxuu soo hadalqaadi doonaa Hawlgalka Badweynta Hindiya (Indian Ocean) iyo guulaha ay ka gaarayaan Ciidanka Xooga Dalka iyo Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya.

 

 
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa sidoo kale lagu wadaa in Magaalada New York uu kula kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo la filaayo inay ka wada hadlaan murunka ka aloosan xadaynta Baddaha Somaliya iyo Kenya.

Socdaalkaan waxa uu noqonayaa kiisii saddexaad ee uu Madaxweynuhu ugu socdaalo dalka Mareykanka, tan iyo markii uu tallada dalka la wareegay muddo laba sano laga jooggo.

Salaanmedia/Mogdisho